Advertisements

Axmad Godane oo diiday in Mucaawinooyin lageeyo meelaha ay Al-Shabaab ka taliyaan.

HOOS KA DHEGAYSO CODKIISA

Halkaan ka akhri

Axmad Cabdi Godane, Hogaamiyihii hore ee Al-shabaab ayaa cajal uu soo diray ku sheegay inay Diin xumo tahay in la ogolaado mucaawino ka timaado wadamo aan Muslim ahayn, isagoo taas sabab uga dhigay in dadka aan wax haysan ay mar kasta u dhiga nuglaanayaan cidii wax siisa.

Abuu Zubeyr oo cajalka uu soo diray uu ka koobnaa 108 daqiiqo oo uu ku aqrinayay Buug uu qoray nin shiikhyaashooda ka mid ah ayaa lahadlayay Soomaalida iyo Horjoogeyaal sare oo xarakada ka tirsan, sida ka muuqatay hadalkiisa, isagoo amray in arrinta Mucaawinada dib looga fiirsado, niyaddana laga duuduubto.

Godane ayaa ku dheeraaday ka hadalka waxyaabaha wiiqaya awoodaha ururkooda iyo kuwa ay saxiibada yihiin oo uu sheegay inay qeyb weyn ka qaataan maamulada islaamiga oo ay kamid yihiin dad uu ku tilmaamay sirdoon lagu soo dhaxdarsaday,waxuuna ku baaqay in arintaasi laga taxadiro.

Nuxurka qudbada Axmad Godane halkaan hoose ka dhegayso.

SomaliSwiss Muqdisho.

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: