Advertisements

Wasiirada Gaashaandhigga dalka Spain oo sheegtay in Midawga Yurub uu balan qaaday inuu ciidamo dheeraad ah u tababarayo Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Haweeneyda lagu magacaabo Carme Chacon Piqueras oo ah  Wasiirada Gaashaandhigga dalka Spain oo haatan  booqasho ku joogta dalka Uganda ayaa sheegtay in ururka Midawga Yurub uu diyaar u yahay inuu kordhiyo qoorshaha lagu tababarayo ciidamada dawlada KMG ee Soomaaliya si ay awod ugu yeeshaan sugida amaanka dalkooda.

Wasiirada oo kulamo la qaadatay xubno ka tirsan dowladda Uganda ee uu ka mid ah dhigeeda dalka Uganda Dr. Crispus Kiyonga ayaa sheegtay in dawladda  Uganda iyo Midawga Yurub ay wadaan qoorshe ay ciidamo dheeraad ah loogu tababarayo dawlada KMG ee Soomaaliya, taabarradaas oo lag qaban doono gudaha Uganda.

Carme Chacon Piqueras oo shir jaraa’id ku qabatay garoonka diyaaradaha ee magaalada Entebbe ayaa waxay tiri: “Midwga Yurub iyo dawlada Spain waxay diyaar u yihiin inay kordhiyaan qorshaha tababarida ciidamada dawlada Soomaaliya kuwaasoo ka dhici doona xeryo ku yaala Uganda”.

Wasiirada Gaashaandhiga dalka Spain waxay xustay inay diyaariyeen barnaamijyo gaar ah oo lagu doonayo in lagu kordhiyo tirada ciidamada Soomaalida ah ee lagu tababarayo dalka Uganda taasoo ay sheegtay inay muhiimad gaar ah siinayso sugida amaanka Soomaaliya waxayna booqatay xero tababar uga socdo ciidamo ka tirsan kuwa dawlada Soomaaliya.

Sidoo kale WasiirkaGaashaandhigga dawlada Uganda  Crispus Kiyonga oo asna shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in xeryaha ay hayaan ay awood u leeyihiin inay ku tababartaan in ka badan 2,000 oo askari waxaana uu intaa ku daray inay diyaar u yihiin inay tababaraan ciidamada dawlada KMG.

Sida la wada ogsoon yahay Golaha guud ee ururka Midawga Yurub ayaa bishii March ee sanadkaan meel mariyay in la kordhiyo daqliga lagu bixinayo ciidamada Soomaaliya iyadoo loo marsiinayo ururka Midawga Africa kadibna lagu tabarayo wadanka Uganda.

Hase yeeshee Midawga Yurub ayaa cutubyo ka tirsan ciidamada dwlada Soomaaliya dhawr jeer ku tababaray xeryada Bihanga oo ku taala degmada Ibanda ee dalka Uganda, waxaana arrintaani imaanaysaa xilli ciidamada dawlada KMG ay dagaalo kula jiraan mucaaradkooda hubeysan ee Al-Shabab.

SomaliSwiss      Kambala

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: