R/wasaraha dowladda KMG Soomaaliya oo ka hadlay hadafka ay leedahay Xukuumadda uu soo dhisayo.

Halkaan ka akhri

Ra’isal wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Dr. Cabdi Wali Maxamed Cali  ayaa sheegay in xukuumadda uu soo dhisi doono ay  noqon doonto mid kooban oo lagu soo xuli doono karti iyo aqoon si ay u soo celinta Qaranimada ka luntay bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale R/wasaare Cabdi Wali Cali Gaas ayaa tilmaamay in ay xukuumaddiisa ay muhiimadda koowaad  iyo tan labaad  ay siin doonto sidii loo sugi lahaa ammaanka, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay la dagaalami doonaan musuq maasuqa iyo IWM, waxa uu intaa ku daray in  Xukuumaddiisa ay wanaajin doonaan xiriirka waddamada Caalamka ay la leedahay dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale R/wasaaraha wuxuu  ka hadlay in ay si wanaagsan ula shaqayn doonaan dhamaan hay’adaha dowliga ah, gaar ahaan Baarlamaanka oo uu ku sheegay in waajib ay tahay in la wada shaqeeyo, isagoo intaa raaciyay in haddii aan la wada shqeyn aan la gaari karin hadafkii la lahaa.

Hase yeeshee Mudane Cabdi Wali wuxuu kalo uu ka hadlay howl galladii ay ciidamada dowladda wadeen in ay sii socon doonaan goor dhowna uu bilaaban doono istaraajiyad cusub oo lagula dagaallamayo Khawarijta Shabaab iyo kuwa la jaalka ah ee Al-Qaacidda, si shacbiga Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nabad, isagoo farta ku fiiqay in ay dagaallada sii dheer yihiin abaaro saameeyay gobollada dalka, dadkii  ka so bara kacayna ay xukummaddiisa dib u dajin u sameyn doonto. Iyadoo  la dhameystiri doono Dastuurka dalka si looga gudbo KMG

Balse R/wasaaruhu wuxuu shacabka Soomaaliyeed u sheegay in ay wax ku bartaan labaatankii sano ee la soo dhaafay sida ay wax noqdeen, haddana looga baahan yahay in ay gacamaha is qabsadaan isamarkaana ay dowladdooda  la shaqeeyaan oo ay garab istaagaan.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: