Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab oo sheegay in Hay’adaha Samafalka ay u fasaxan yihiin inay ka howlgalaan deeganada ay gacanta ku hayaan.

Halkaan ka akhri

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab ayaa  shaaca ka qaaday in hadda wixii ka dambeeya ay fasax yihiin Hey’adaha Gargaarka cidii deeq bixineysana ay tagi karto halkii dhibaato ka jirto.

Hase yeeshee warkaan ayaa waxaa meel fagaaro ah ka sheegay Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab  Sheikh Cali Maxamuud Rage isagoo la hadlayey saxaafada, wuxuuna shalay  galabta ku dhawaaqay in Hay’addaha samafalka ay u fasaxan yihiin gobolada ay gacanta ku hayaan.

Dhanka kale Afhayeenka Al-shabaab Sheikh Cali Maxamuud Raage oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in xarakaddu garatay in la fasaxo Hay’addaha gargaarka caalamiga ah nuucay doonaanba ha ahaadeene maadaama ay jirto baahi dhaqaale abaaro Gaajo iyo gurmad la’aan.

Sida la wada ogsoon yahay Xarakada Al-shabaab ayaa bishii July 20-kii ee sanadkii 2010ka ka mamnuucay Hay’addaha samafalka deegaanada ay maamulaan, waxaana hay‘addahaasi ay kala ahaayeen, UNDP, WFP iyo UNPOS.

Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Sheikh Cali Maxamuud Raage (Sheikh Cali Dheere) wuxuu sheegay in dowladda Itoobiya ay faraha kula jirto arimaha Soomaaliya ayna dagaal isaga horkeeneyso dad wada dhashay oo Soomaali ah isaga oo tusaale u soo qaatay dagaalka dhagtuur inay gadaal ka taagan tahay.

Sheikh Cali dheere oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Dagaalka dadka walaalaha ah ku dhaxmarayo gobolada Mudug iyo galguduud waa dagaal sokeeye, waana mid lagu cadaab tagayo” wuxuuna raaciyey in qabiil loo dagaalamo ay xaaraan tahay.

Balse Xarakadu waxay ugu baaqday qabaa’ilka ku dagaalamaya degaanka dhagtuur inay si deg deg ah u joojiyo dagaalada ka soo cusboonaaday Nawaaxiga degaanka dhagtuur, sidoo kale waxay ugu baaqday dhinacyada dagaalka ka qeybgalaya inay xoogaas iyo hubkaas ku weeciyaan dhanka cadowaga Ethiopia intii ay dad walaala ah dhiig ka daadin lahaayeen.

Ugu danbeyntii afhayeenku wuxuu sheegay in ay tahay wax aad looga xumaado in dad walaalo ah ay dagaal iskala soo horjeestan iyadoo goob aan sidaa uga foegyn ay jogaan cadowgoodu.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: