Advertisements

Sii-hayaha Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo sheegay in Shirka wada tashiga Soomaalida uu ka dhici doono Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Sii-hayaha Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya M. C/llaahi Oomaar oo shaaca ka qaaday in Shirka wada tashiga Soomaalida uu ka dhaci doono magaalada Muqdisho, sidaas waxaa laga caddeeyey kulan ay madaxdda Urur-goboleeydka IGAD uga soo gabagaboobay xarunta Ururka Midoowga afrika ee magaladda Addis ababa.

Kulankan ayaa waxaa ka soo baxay warmurtiyeed dhowr qodob ka koobnaa oo uu ka mid ahaa in shir wada tashi ah lagu qabto gudaha dalka Soomaliya.

Sidoo kale Kulankaas oo ay horay iskugu raaaceen Golaha amaanka ee qaramadda midobay ayaa waxa arintaasi ka hadashay Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la isku afgartay in shirkii wada tashiga ee horay ay u iclaamisay Qaramada Midoobay uu ka dhici doono magaalada Muqdisho waxqti aan la caddeynin.

Mudane Maxamed C/laahi Oomaar oo ah Sii-hayaha Wasaaradda  arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa warbahinta  Muqdisho siiyey waraysi , wuxuuna  sheegay in  ergayga gaarka ah ee Arrimaha dalka Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay Dr.Augostine mahiga  uu shirka IGAD ka hor caddeeyay in shirkaasi wada tashiga ah uu ka dhacayo magaalada Muqdisho, waxa uu intaa raaciyay in markii hore ay jirtay cabsi dhinaca ammaanka laga qabay Balse ay hadda suuragal tahay.

Dhanka kale Mr C/laahi Omaar ayaa sheegay in dowladda Federaalka soomaliya iyo Urur-goboleedka IGAD ay soo dhaweeyeen tallaabadaas, iyagoo sheegay in ay tahay midhoray u qaadi karta ammaanka iyo dib-u-heshiisinta dalka soomaliya gaar ahan kooxaha isku haya dhinaca siyasadda.

Si kasta ha ahaatee waxaa la is-dhex marayaa  in laga yaabo inuu Shirkaasi ka dhaco Deegaanada Maamulka Puntland, iyadoo sidoo kale wararka qaar iyana ay sheegayaan in ay dhici karto in shirkaasi lagu qabto dal dibadda ah, balse Xubno ka tirsan Dowladda KMG qaarkood ay wadaan qorshe ay ku doonayan in shirkaasi uu ka dhaco Magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: