Advertisements

Shirkii IGAD oo la soo gabagabeeyay, lagana soo saaray warmurtiyeed ku wajahan xaaladda dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Waxaa  magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya lagu soo gabagabeeyay shirkii ay lahaayeen madaxda wadamada IGAD, kaasi oo socday muddo laba maalmood ah, waxaana loogu hadlayey arrimo ku saabsan dalka Soomaaliya iyo Suudaan, hase ahaatee waxaa gabagabadii shirkaasi laga soo saaray go’aano ku wajahan xaaladda dalka Soomaaliya.

shir madaxeedka wadamada IGAD waxaa soo baxay Go’aano ay ka mid ahaayeen:

 – In madaxda IGAD ay soo dhoweeyeen heshiiskii Kampala Accord ay ku gaareen labada Shariif, in Xukuumadda mudada halka sano ah ku dhameystirto howlaheeda,

 –  In Xukuumadda KMG ee cusub si dhaqsi ah loo soo magacaabo.

–  In Qaramada Midoobay ay kordhiso taageerada la siiyo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

–  In xayiraad lagu soo rogo garoomada diyaaradaha iyo Dekedaha ku yaala goobaha ay maamulaan xarakada Al-Shabaab, si cunaqabateyn loogu soo rogo taageerada ay helaan kooxaha Al-Shabaab iyo Al-Qaacida iyo Dowladda Jabuuti oo sheegtay inay ciidamo u soo direyso dalka Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan xasilinta wadanka Soomaaliya.

– Madaxda dalalka IGAD waxay Qaramada midoobay, Midowga Afrika iyo Beesha caalamka ugu baaqay inay si dhab ah uga shaqeeyaan arrimaha soomaaliya si arintaasi ay u suuro gashana in xafiisyadooda ay u raraan Magaalada Muqdisho si ay u kaalmeeyaan hay’adaha dowliga ah ee soomaaliya.  

Sidoo kale IGAD waxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ugu baaqday inay xayiraad ku soo rogo magaalooyinka dhinaca xeebta dhaca ee soomaaliya lehna dakadaha waxa laga soo degsan karo ama waxa laga dhoofin karo ee ay Al-Shabaaab ay gacanta ku hayaan sida kismaayo, Marko, Baraawe iyo Ceel-macaan.  

Waxaa kaloo Bayaankan loogu codsaday Golaha Ammaanka in aag diyaaradaha ka caagan uu ku soo rogo garoomada dhinaca diyaaradaha ee ay Al-Shabaab haystaan sida  Belli-Doogle, Lambar Kontan iyo Cisiley si loo jaro sahay soo gaarta xagjirka soomaaliya.

Dhanka kale Urur Gobaleedka IGAD waxay soo dhaweeyeen howlgalka AMISOM ee ka kooban ciidamada dalalka Uganda iyo Burundi, sidoo kale Urur-goboleedka IGAD waxay wadamada kale ee afrika ugu baaqeen in ay ciidamo u soo diraan soomaaliya kuna biiraan howlgalka adag ee Soomaaliya.  

Hase yeeshee War-murtiyeedkan ayaa lagu sheegay in IGAD  ay diyaar u tahay bilaabida aasaaska gudi ka kooban madaxweynayaal hore  oo howshooda ay noqon doonto inay Soomaaliya ka kaalmeeyaan hanaanka geedi socodka nabadda  iyo dib u heshiisiinta taasi oo la mid ah ayaa warmurtiyeeda lagu yiri  hanaankii lagu xaliyay colaadii ka jirtay dalka Burundi.

SomaliSwiss  Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: