Advertisements

Nin Soomaali ah oo lashaqeynayay Al-Shabab oo maanta laga dejin doono dalka Mareykanka.

Halkaan ka akhri

Wakaaladaha wararka Caalamka sida ay shaaciyeen waxaa la filayaa Maanta in Muwaadin Soomaali ah oo lagu magacabaao Ahmed Abdulqadir Warsame oo la sheegey in uu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab laga dejin doono magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Ahmed Abdulqadir Warsame ayaa muddo laba Bilood ah ku xirnaa Markab kamid ah Maraakiibta daagalka ee Waddanka Mareykanka, halkaas oo ciidamada sirdoonka ay su’aalo ku weeydiinayeen.

Sida laga soo xigtay Idaacadda Codka Mareykanka ee VOA-da ayaa sheegtay in Ahmed Su’aalihii la weeydiinayay dhamaantoodba uu ku jawaabay inuu la shaqaynayay kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay yihiin jawaabaha uu bixiyay kuwa ku filan CIA-da Mareykanka.

Muwaadinkan Soomaaliga ah ee la shaqaynayay Al-Shabaab ayaa su’aalihii la weeydiiyay waxaa kaloo kamid ahaa cilaaqaadka ka dhaxeeya Bur Cad Badeedda iyo Al-Qa’ida, taasoo uu qiray inuu jiro xiriir wada shaqeyneed ee u dhaxeeya waa sida hadalka loo dhigaye.

Ahmed ayaa ka hor inta uusan Maxkamadda dacwaddiisa qaadaysa wajihin wuxuu sii mari doonaa Baaritaano kale oo dheeraad ah FBI-da Mareykanku wax kaga weeydiinayso arrimaha loo haysto oo ah lashaqeynta Al-Shabaab.

Muwaadinkan Soomaaliyeed oo Maanta la gaarsiinayo Dalka Mareykanka ayaa muddo laba bilood ah waxaa uu ku xirnaa Markab kuwa  dagaalka ah oo ay leeyihiin ciidamada Mariineska Mareykanka, iyadoona soo qabashada Ninkan ay ku soo beegmeyso xilli Madaxweyne Obama uu soo Xiray Xabsiyo badan oo dadka arrimahan oo kale lala xiriirinayo lagu xiri jirey.

Si kasta ha ahaatee war bixintu ma qeexin goobta Ninkaasi Soomaaliga ah laga qabtay iyo halkii uu ku sugnaa markii la qabanayay intaba.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: