Advertisements

Magaalada Muqdisho oo ay ka bilaabatay olole loogu gurmanayo dadka la il daran gaajada iyo macluusha ka dhalatay abaaraha dalka ku dhuftay.

HOOS KA DAAWO SAWIRO KALE

Halkaan ka akhri

Wararku ka imaanaya  magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in magaalada Muqdisho ay ku soo qulqulaya qoysas fara badan oo saameeyay abaaraha dalka ku dhuftay oo galaaftay xoolihii beerihii ay qoysaskaasi noloshooda ku tiirsaneyd, qoysaskaas oo ka kala yimid gobolada dalka qaarkood, gaar ahaan gobolada Bay iyo Bakool, waxaana dadkaas u istaagay bulshada ku dhaqan G/Banaadir gaar ahaan dadka ku dhaqan Degmada Xamar-weynewaxaana la gaarsiiyey qoysaskaas dhibaateysan gurman Cunno ah ee loo qaybiyey.

Sidoo kale waxaa Warbaahinta ka howl-gesha mgaalada Muqdisho, gaar ahaan Idaacadaha Kulmiye iyo Risaala oo ka mid ah warbaahinta madaxa bannaan ee xarumahooda ay ku yaalaan magaalada Muqdisho, ay labadii toddobaad ee la soo dhaafay waxay bilaabeen sidii qoysaska abaaraha ku habsadeen ee ku soo qulqulaya magaalada Muqdisho loo samatabixin lahaa, waxaana qoysaskaasi oo maalinba maalinta ka dambeysa xaaladooda dhinaca nolosha ka sii dareyso, isla markaana ay ka muuqato diif iyo darxumo nololeed oo ay ku reebeen abaaraha.

Waxaa kaloo lagu soo warramayaa in Qoysaska imaanaya magaalada Muqdisho ee reer miyiga ah ayaa qaarkood ku geeriyooday gaajo darteed markii ay yimaadeen xerooyinkii ay ku soo degeen, waxaana qoysaska kuwoodii ka yimid gobolada Bay iyo Bakool oo soo gaaray Muqdisho ay sheegeen inay dad intii ay wadada ku soo jireen geeriyooday, kuwaasi oo macluusha iyo gaajada awgeed jirkoodu bararay.

Dhanka kale  guud ahaan Shacabka soomaaliyeed iyo Warbaahintaba waxay bilaabeen barnaamijyo dadweynaha Soomaaliyeed ka qeyb qaadanayaan sidii loogu gaarsiin  lahaa dadkaasi dhibaateysan mucaawino, arrimaha ka billowday magaalada Muqdisho ayaa ah kuwo ku dayasho mudan.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: