Advertisements

Dowladda Jabuuti oo mar kale sheegtay in ay ciidamo u soo dirayso dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Madax ka tirsan dowlada dalka Jabuuti oo ka qey gashay kulanka Urur goboleedka IGD oo ka dhacay magaalada Adis Ababa waxaa ay kulankaasi ku balan qaadeen in si deg deg ah ay Soomaaliya ugu  soo diri doonan ciidamo ka socda dowlada Jabuuti, kuwaas oo qeyb ka noqonaya kuwa Nabad ilaalada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya.

C/kariin Xasan Jaamac oo ah siihayaha wasiirka warfaafinta xukumada KMG Soomaaliya oo ka mid ahaa wafdigii ka socday dowlada ee ka qeyb kalay kulanka madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa tilmaamay in dowlada Jabuuti ay kulankaasi ku balan qaaday in maalmaha soo socda ay ciidamo u soo diri doonaan Soomaaliya, isagoona sheegay in ay soo dhaweynayaan hadalka madaxda dalka Jabuuti.   

Jabuuti oo qeyb ka ah dowladaha ku bahoobay Urur goboleedka IGAD, iyadoona marar badan Shaaca ka qaaday in ciidamo iyaga ka socda ay usoo direyso dalka Soomaaliya, balse ilaa iyo hada aysan soo gaarin Soomaaliya.

SomaliSwiss Addis Abeba

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: