Advertisements

Soomaalida ku dhaqan Zürich Switzerland oo xustay Sanad-guuraddii 51-aad ee xoriyadda Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri


Sida la wada ogsoon yahay waxaa ayaamahan ka dhacay gudaha iyo dibadda dalka Soomaaliya xuska Sanad -guuraddii 51aad ee hanashada xoriyadda Umadda Soomaaliyeed lana saaray calanka qaranka  soomaaliyeed, oo uga horreentii  gacanta soomaalida soo gashay xorriyadda gobolada waqooyi  bishii June 26, 1960kii, waxaa ku xigay maalinta 1 July 1960kii goboladda koonfur  ahna maalinta israaca labada gobol, sidaas darteed waxaa  xusid mudan sida shacuurta ku jirto Sanadkan loogu xusay meel-kasta ay soomaali joogto.

Sidaas darteed  Soomaalida deggan dalkan Switzerland, gaar ahaan Kanton Zürich ayaa waxay uga qayb gashay Dhinaca Sportiga, gaar ahaan Ciyaarta kubbada cagta oo la qabtay shalay Axadda ahayd oo ay bisha Luliyo ahayd 3.07.2011ka.

Haddaba waxaa Koobka Muanaasadda Sanad -guuraddii 51aad ee hanashada xoriyadda Umadda Soomaaliyeed loo dhigay 4 Koox oo 3kamid ahaayeen Cayaartooday Kantoon Zürich, iyo Koox ka socotay Kanton Schafhausen ee dalkan Switzerland.

Ugu horreyntii waxaa Furitaanka Munaasabadaas ka hadlay isku soo dubarridaha Ciyaarahaas Mudane Cashar, wuxuuna Cayaartooyda ku guubaabiyey inay la yimaadaan ciyaar wanaag iyo dishibliin, wuxuuna Ciyaartooyda u caddeeyey in tartankan uusan ahayn mid lagu kala helaya Dahab iyo Adduunyo aad u farabadan sidaas darteed loo baahan yahay in la muujiyo Ciyaar wanaag.

Dhanka kale waxaa Munaasabadda Ciyaarahana lagu martiqaaday Guddiga Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kanton Zürich oo ay hoggaaminayeen Guddoomiyaha Jaaliyadda Marwo Xaawo Nuur Muudey iyo Guddoomiye ku Xigeenka Jaaliyadda Dr. Axmed  DhicisowDaauud oo labaduba ka adkeynta midnimada Soomaaliyeed, Cayaartooydana u sheegeen inay iyagu yihiin kuwii  hoggaamin lahaa Mustaqbalka bulshada Soomaaliyeed, sidaas awgeed inay ku dadaalaan waxbarashada, isla markaasna dhowraan Sumcadda ama magaca Qaranka Soomaaliyeed.

Isku aadka Kooxaha u tartamayey Koobka 1da Luliyo ayaa waxay u dhacday sidatan:  

–          Waxaa Ciyaartii uga horreysay wada ciyaaray Kooxda FCZS iyo Kooxda Schafhausen, waxayna guushii ku raacday Kooxda Schafhausen oo heshay 1-0.

–          Ciyaartii labaad ayaa waxaa isaga horyimid garoonka Kooxda QARAN iyo Kooxda Dhallinyarada Cuslaatay oo ay guushu ku raacday Dhallinyarada Cuslaatay, waxayna Ciyaartaas ku dhamaatay in labada ay is mari waayaan waxaana loo dhigay Rigoore waxay ku kala badiyeen 4 – 5.

–          Gebagebadii ama Final-kii Ciyaarahaas waxaa wada ciyaaray labadii kooxood oo guulaha haystay, kuwaas oo kala ahaa Kooxda Schafhausen iyo Kooxda Dhallinyarada Cuslaatay oo iyaguna ugu danbeyntii ku kala badiyey Rigoore loo dhigay waxayna guusha ku raacday Kooxda Dhallinyarada Cuslaatay oo ku badisay 3 – 4.

Si kasta ha ahaatee waxaa koobabkii lagu kala guuleystay fagaaraha ku bixisay Guddoomiyaha Jaaliyadda Kanton Zürich Marwa Xaawo Nuur, sidaas darteed waxay munaasabaddaas ku dhammaatay guul iyo jawi aad u heer Sarreeya.

Qore: Dr, A. Dhicisow

 SomaliSwiss       Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: