Advertisements

Dowladda KMG ah oo diyaarineysa xerooyin lagu quudiyo dadka soo barakacay.

Halkaan ka akhri

Sii-haya Wasiirka gaashaandhigga mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo kamid ah Guddiga uu R/wasaaraahu u magacaabay Gurmadka Abaaraha iyo barkaca oo wareysi siiyay Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay guddigu uu diyaarinayo  Xerooyin qaadi kara illaa iyo 3000 oo ruux, kuwaas oo la sugi doono ammaankooda, si aysan uga faa’iideysan Maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta Shabab oo caadeestay inay dhibaatooyin ka dhex abuuraan goobaha ay ku nool yihiin dadka rayidka ah.

Wasiirku wuxuu xusay in xerooyinkaasi loogu diyaarinayo raashin ay quutaan dadkaasi lana xaqiijin doono caafimaadkooda oo ay kaalin ka qaadan doonto wasaaradda caafimaadka.

Sidoo kale C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa ku gubaabiyay qeybaha kala duwan ee bulshada in ay kaalin ka qaataan badbaadinta walaalahooda ku tabaaloobay abaaruhu.

Dhanka kale Wasiirka ayaa sheegay in dowladdu dhawaan gobollada ka xoreyn doonto maleeshiyaadka Al-Shabaab, si dadka loo gaarsiiyo gargaarka bani’aadamnimo.

Si kasta ha ahaatee Guddigaan ayaa shalay la magacaabay waxayna islamarkiiba ay ku dhaqaaqeen inay diyaariyaan dhul loogu talo galay in la dajiyo dadka barakacayaasha ah ee maalin kasta imaanaya magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: