Advertisements

Adis Ababa oo uu maanta ka furmaya Shirkii Urur-goboleedka IGAD.

Halkaan ka akhri

Wararka naga soo gaaraya magaalada Adis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa sheegaya in uu Maanta ka furmaya shir ay isugu imaanayaan urur-goboleedka IGAD oo looga hadlayo xaaladda waddanka Soomaaliya iyo sidii taageero loo  siin lahaa dowladda KMG Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta C/kariim Xasan Jaamac oo wareysi siiyay qaar ka mid ah Warbaahinta Soomaalida ayaa sheegay in madaxda IGAD ay ka hadli doonaan xaaladaha bani’aadnimo ee ka jira waddanka iyo sida gargaar loo gaarsiin karo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee Soomaaliyeed,

Sida uu sheegay Wasiirku, waxaa ugu horreya ajandaha shirka oo looga hadli doonaa sidii dowladda Soomaaliya loo siin lahaa Taageero siyaasadeed iyo midda ammaanka.

Hase yeeshee Madaxda IGAD ayaa la filayaa in ay kulanka uga hadlaan sida taageero xooggan sanadka soo socda loo siin lahaa dowladda oo u socota in ay dalka ka saarto marxaladda KMG ah.

Dhanka kale  marka loo eego heshiiskii Kampala iyo shirarkii ka horreeyay waxay Urur-goboleedka IGAD ay kaalin mug leh ku leedahay arrimaha Siyaasadeed ee haatan ka taagan dalka Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane C/kariim Xasan Jaamac ayaa sheegay in dowladda KMG ah ay diyaarisay qoorsheyaasha ay dooneyso in sanadka soo socda lagu taageero, kuwaas oo ay hordhigi doonaan hoggaamiyeyaasha IGAD, waxaana ugu horreeya arrimaha ammaanka dalka iyo kaalmada Bani’aadamnimo ee bulshada Soomaaliyeed ay u baahan tahay.

Madaxweynaha dowladda KMG ah Soomaaliya Mudane Shariif Sheikh Axmed oo shirkaan ka qeyb galaya ayaa khudbad ka jeedin doona kulanka maanta ka furmaya oo ay isugu imaanayaan wasiirada gaashaandhigga ee IGAD kuwaas oo qoorshaha ammaanka Soomaaliya hor geyn doona Madaxda IGAD si wax looga qabto.

SomaliSwiss       Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: