Halkaan ka akhri
Xafiiskiisa Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa waxaa maanta  ka soo baxay qoraal loogu baaqay Hay’adaha Samafalka inay gar gaar deg ah la soo gaaraan Ummadda Soomaaliyeed oo uu sheegay inay hayaan Abaaro aad uga ciribtiray dhamaan Xoolihii ay lahaayeen, islamarkaana dadka qaarkii ka dhigtay macluul aad u halis ah.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay hay‘adaha Samafalka inay gargaar degdeg ah la soo gaaraan Ummada Soomaaliyeed ee abaarihii ugu adkaa mudo50 sano u dhamaaday, qoraalka oo sidiisa ahna waa sidan:
 War-Saxaafadeed:
Addis Ababa, Itoobiya, July 4, 201 1 –  Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Mudane Shariif Sheikh Axmed ayaa xalay waxaa uu ka degay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa,halkaas  uu uga qeyb-galayo shirka madaxda dalalka ku bahoobay IGAD.
Madaxweynaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehliyay ku simaha Wasaarada gaashaandhiga Mudane Cabdixakiim Fiqi, Xildhibaan Xasan Abshir, iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Jamhuuriyada Soomaaliya. Waxaana halkaas ku soo dhaweeyay Wasiirka Shaqada iyo arimaha bulshada  ee dalka Itoobiya Mudane  Abdifatah Sheikh Abdullahi, sii hayaha Wasaarada Arimaha dibadda Mudane Maxamemed Cabdulaahi Omaar, iyo sii hayaha Wasaarada Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdulkariim Xassan Jaaamac.
Shirkaan ayaa waxa ugu horeeyo oo looga hadli doonaa arimaha Soomaaliya, Sudan, iyo Eritrea. Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Shariif  Sh. Axmed ayaa waxaa ka go’an inuu soo dejiyo caasimada dalka heyadaha  samafalka iyo hayadaha caalamiga ah sida UN ka iyo African Unionka, si ay wax uga qabtaan xaalada bani’ aadanimo iyo abaaraha,  ka jira dalkeena hooyo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in hada kaalmo la gaarsiin karo gobolo iyo degmooyin farabadan ayna lama huraan tahay in ay hay’adaha u soo guuraan magaalada Muqdisho, si ay shaqadooda u gutaan. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in ay gargaar degdeg ah kala soo gaaraanUmmada Soomaaliyeed ee abaarihii ugu adkaa mudo50 sanou dhamaaday.
The Presidency
Office of the Chief of Staff
Directorate of Communications
JS/XM/DOC/Â Â Â Â Â 465 /011Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Date:Â Â 07/ 04Â /2011
SomaliSwiss      Muqdisho/Addis Ababa
Filed under: Muqdisho |