Advertisements

Maleeshiyo beeleedyo ku dagaalamaya deegaanka Dheg-tuur oo kamid ah gobolka Mudug.

Halkaan ka akhri

Waxaa lagu soo waramayaa in mar kale uu dib ugu qarxay dagaal deegaanka Dheg-tuur ee gobolka Mudug halkaasi oo malamihii u dambeeyay ay ka jireen xiisado u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed, sidaa waxaa saakay u xaqiijiyay warbaahinta Bashiir Warsame Cawaale oo ah gudoomiyaha dhex dhexaadinta beelaha ku dagaalamaya deegaankaasi.

 Dagaalkaasi ayaa la soo sheegayaa in la isku adeegsanaayo hub calculus, isla markaana  ay ka qeybqaadanayaan tiknikooyin fara badan oo ay  isku adeegsanayaan maleeshiyo beeleedyada halkaas ku dagaalamaya.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu wali salka ku hayo lahaanshiyaha ceelbiyood kuyaala deegaankaasi, waxaana maleeshiyaadka labada beel maalmihii u dambeeyay ku dhexjiray gudi dhex dhexaadin kuwaasi oo dhawaan shaaciyay in ay ku fashilmeen dhexdhexaadinta beelahaasi.

 Hase yeeshee lana oga khasaaraha ka dhashay dagaalkii saakay dib uga bilowday deegaanka Dhegtuur ee gobolka Mudug, hase ahaatee maleeshiyo beeleedka dagaalamaya ayaa waxa ay ka soo kala jeedaan gobolada Mudug iyo Galgaduud, waxaana midba uu doonayaa in uu la wareego ceel in muddaba la isku heysto.

Si kasta ha ahaatee dagaaladii ugu dambeeyay ee dhexmaray labada maleeshiyo beeleed ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 20 ruux iyadoo tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen, waxaana sidoo kale dagaaladaasi ay sababeen in ay deegaanka lagu dagaalamay ka barakacaan qaar ka mid ah dadkii degganaa.

SomaliSwiss     Gaalkacayo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: