Advertisements

Gen Katumba Wamala oo sheegay in ciidamada AMISOM ay la soo deristay Mushaar la’aan.

Halkaan ka akhri

Gen Katumba Wamala oo ah Taliyaha ciidamada lugta uganda ee AMISOM ayaa sheegay in mushaar la’aan ay soo food saartay ciidamada uganda ee jooga  dalka Soomaaliya, kana midka ah kuwa AMISOM.

Wargeyska Daily Monitor ee ka soo baxa dalka Uganda oo la hadlay Saraakiil ka tirsan ciidamada Uganda ayaa sheegay in waxa ugu weyn ee ay ka cabanayaan ay tahay dib u dhac ku yimid lacagaha mushaaraadka ah ee ay qaataan waxaana sheegeen in bishii tagtay ee June aysan wax mushaar ah qaadan.

Wargeysku wuxuu intaa raaciyey ee uu  sheegay in ciidamadu inaysan soo gaarin oo ay ka maqan tahay lacagtooda xilli ay ku jiraan dagaalo xoogan oo Muqdisho ka socda. waxaa uu ku waramayaa

Sidoo kale Ciidamada Uganda ayaa sheegay inaan la siin lacago dheeraad ahaa oo horey loogu balan qaaday in la siin doono sida ay saraakiisha ciidamada  Uganda ee Soomaaliya jooga u sheegeen wargeyska Daily Monitor waxayna intaa ku dareen in ciidamada Burundi ee ay hawlgalka kuwada jiraan ay qaateen lacagahooda mushaarka ah.

Dhanka kale Taliyaha ciidamada lugta Uganda Gen. Katumba Wamala oo uu wargeysku wax ka weydiiyay cabashada ciidamadooda Soomaaliya jooga ayaa xaqiijiyay inuu jiro dib u dhac ku yimid mushaarka ay ciidamadaasi qaataan hase ahaatee waxaa uu u sababeeyay arrin dhanka farsamada u xayiran.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: