Halkaan ka akhri
Waxaa lagu soo warramayaa in magaalada Muqdisho ay maalinba maalinta ka danbeysa ay soo gaarayaa Boqolaal Qoysas hor leh oo ka soo hayaamay Abaaraha ka taagan gobollada Koonfurta iyo qaar ka mid ah gobollada Dhexe ee  Soomaaliya.
 Sidoo kale waxaa la sheegayaa in saacadihii la soo dhaafay soo gaaray magaalada Muqdisha dad aad u badan, iyagoo dadkaas ay ka codsanayaan ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed intaba in ay si dag dag ah gurmad ugu soo fidiyaan.
Dadkan oo aad u badan ayaa waxay ka soo barakacay gobollada dalka oo ay saameysay abaar aad u xun, waxaana dadkan  ka muuqda dhibaato aad u xoog badan oo ay ugu daran tahay Gaajo iyo Oon, waxaana la sheegay in dadkaasi ay markii hore ahaayeen Beeraleey iyo Xoolo dhaqato ay xoolahoodi ka baabi’isay Abaarta.
Haddaba deegaannada ay soo gaareen dadka abaarta ka soo barakacay ayaa waxaa ay ka mid tahay dagmada Xamar wayne  iyo meelo kale oo Muqdisho ka tirsan, meelaha ay suganyiihiin marka aad tagto ayaad  ka tiiraayooneysa xaalada bini’aadnimo ee ay ku suganyihiin, waxaana aad u yar illaa hada gar gaarka dadkaasi la gaaarsiiyay.
Haweynay ku nool deegaanka Tarbuunka ayaa sheegay in ay u dulqaadan waayeen xaalada dadkaasi Soomaaliyeed ay wajahayaan kaddibna ay xooggaa Raashiin ay iska soo uruuriyeen ay u kariyaan, iyadoo tilmaamay in intaasi ayna haqab tiri Karin baahida dadkaasi haysto.
Sidoo kale haweynadan waxay dadka Ganacsatada Soomaaliyeed iyo inta wax haysata ugu baaqday in ay dadkaasi la soo gaaraan gar gaar dag dag ah, iyadoo dhicana kale dadka tabaaleysan qaar ayaa dhankooda codsadeen in walaalahooda Soomaaliyeed ay wax taraan, dadkaasi qaar oo aan awood badan u lahayn in hadlaan ayaa kuu sheegay in ay qaar haystaan carruur Agooman ah oo u baahan daryeel.
Sida wararku ay sheegayaan in ay maalinba maalinta ka danbeysa ay ku soo qulqulayaa magaalada Muqdisho dad barakacayaal ah kuwaas oo ay haysato dhibaatadii ugu darneed, waxaana la sheegayaa in qaar ka mid ah dadkaasi ay u geeriyoodeen gaajada awgeed, waxaana badankooda ay ka yimaadeen gobollada Bay, Â Bakool iyo G/Shabelooyinka.
SomaliSwiss     Muqdisho
Related articles
- Shir ay yeesheen golaha wasiirada dowladda KMG oo maanta loogu hadlay Arrimo la xiriira Abaaraha iyo Barakacayaasha. (somaliswisstv.com)
- Madaxweyne Shariif oo xalay shahaado iyo Billad Sharaf gudoonsiiyey ra’isal wasaarihii hore ee Soomaaliya. (somaliswisstv.com)
- WAR DEG DEG AH: Ra’isal wasaare Farmaajo oo daqiiqado ka hor la hadlay umadda Soomaaliyeed. (somaliswisstv.com)
- War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada AMISOM oo lagu sheegay in si buuxda ula wareegeen guud ahaan degmada Boondheere. (somaliswisstv.com)
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.