Ra’isal wasaaraha oo la tashiyadii ugu dambeeyay la yeelanaya Qeybo ka mid ah Hay’adaha dowladda.

Halkaan ka akhri

Waxaa Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaalia ka socda kulamo is daba joog ah oo Ra’iisal Wasaare C/Weli Maxamed Cali uu la yeelanayo xubno ka tirsan Hay’adaha Dowladda, gaar ahaan Baarlamaanka iyo madaxtooyada, waxaana wadahadallada ka mid ah qaabka loo soo magacaabayo xubnaha Golaha Wasiirada cusub.

Sida ay Warku nagu soo gaarayaan waxaa Ra’iisal Wasaare C/Weli Maxamed Cali Gaas uu maanta kulamo la yeelanayo Xildhibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka KMG, odayaal iyo madax ka tirsan Xukuumadda KMG ah, kuwaasi oo uu kala tashanayo Dowladiisa cusub, isla markaana Ra’iisal Wasaaraha xubnaha uu kulamada la yeelanayo waxa uu ka doonayaa inay ka soo talo bixiyaan aragtidooda ku wajahan sidii loo soo magacaabi lahaa xukuumad tayo leh.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaaraha ayaa la filayaa in labada maalin ee soo socota uu kulamo kuwaan la mid ah inuu la yeelan doono xubno ka tirsan qurba-joogta Soomaalida ee iyaguna doonaya dhinacooda inay ka mid noqdaan xukuumadda cusub ee uu soo magacaabayo.

Dhinaca kale Ra’iisal Wasaare C/Weli Maxamed Cali oo dhowaan uu ansixiyay Golaha Baarlamaanka, ayaa sida uu ballanqaaday waxaa laga sugayaa sidii uu u soo dhisi lahaa Gole Wasiiro cusub, kuwaasi oo sida uu horay u sheegay Ra’iisal Wasaaraha noqon doona shaqsiyaad aqoon, karti iyo daacadnimo ku duugan tahay dalkoodana ka saari kara marxalada adag ee uu ku jiro.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in madaxda sare ee Dowladda KMG ah ay iyagu doonayaan sidii ay Ra’iisal Wasaaraha cusub uga ansixin lahaayeen inuu u magacaabo shaqsiyaad dhowr ah in loogu daro xukuumadda cusub, waxaana muuqata in bacdamaa Ra’iisal Wasaaraha uu yahay nin kalsooni badan heysta, hadana inaanu u madax bannaaneyn xitaa magacaabista Golihiisa Wasiirada, hase yeeshee magacaabistiisa ayaa waxaa eeganaya labada Shariif oo iyagu doonaya in xukuumadda sida ay iyaga doonayaan loogu sameeyo.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: