Ra’isal wasaare C/weli oo maanta kormeer ku tagay Aaga hore ee dagaalka oo ay isku hor-fadhiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa Al-Shabaab.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Ra’iisul Wasaaraha dowladda  KMG ah ee Soomaaliya Mudane Dr. C/weli Maxamed Cali ayaa waxaa maanta markii ugu horreysay kormeer  ku tagay Aaga hore ee ay ciidamada Dowladda ku sugan yihiin, gaar ahaana kuwa degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu waxaa kormeerkiisan ku wehlinayay R/wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Maxamed Cabdulle Geesey, Taliyaha Guud ee Ciidanka Xooga Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini, Afhayeenka Xukuumada Eng. C/raxmaan Yarisow iyo Agaasimaha Xafiiska R.wasaaraha Abuukar Daahir Cismaan iyo weliba saraakiil kale oo ka socotay ciidanka nabad illaalinta ee AMISOM.

Degmada Howlwadaag gaar ahaana Masaajidkii Macalin Biimaalow  ayuu  Ra’isal Wasaaraha kormeerkiisa ka bilaabay, halkaasoo uu salaan uga qaatay saraakiil ka tirsan ciidanka Xooga, isagoo uga sii gudbay Xaafada K.P.P isagoo lug ku maray wadada dheer ee Wadnaha illaa uu ka gaaray isgoyska K.P.P iyo Masaajidkii Sheekh Cali Suufi.

Wuxuu kaloo uu  Ra’iisul Wasaaraha a kormeer  ku tegay Wasaaradii Gaashaandhigga oo ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda iyo kuwa Burundi wuxuuna R.wasaaruhu halkaasi salaam sharaf uga qaatay Askar ka tirsan Burundi isagoo R.wasaaruhu kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaraddu ka kooban tahay.

Ugu danbeyntii R/wasaaraha iyo kuxigeenkiisa R/wasaaraha waxay si wada jir ah Shir jaraa’id ugu qabteen Xarunta Wasaaradda Gaashaandhgiga, waxayna sheegeen in Kormeerkooda ay uga gol lahaayeen sidii ay u soo kormeeri lahaayeen horumarka ay bilihii ugu dambeeyey ka sameynayeen ciidamada xooga iyo kuwa Nabad illaalinta ee AMISOM.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: