HOOS KA AQRI MAGACYADA
Halkaan ka akhri
Kullan xasaasi ah oo xalay iyo saakay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ku dhex maray Madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaariha Cusub Dr. C/weli Maxamad Cali Gaas ayaa lagu baandheeyay oo guud ahaam ku saabsanaa soo xulida Xubnaha ka midka noqonaya golaha Wasiirada Cusub ee Xukuumadda KMG Soomaaliya ee lasoo dhisi doono.
Labadan nin oo kullankoodu ahaa kii ugu horeeyey oo ay yeeshaan tan iyo markii Xildhibaanada Baarlamanka KMG Soomaaliya ay ansixiyaan Ra’iisul Wasaaraha Cusub waxay uga wada hadleen xubnaha Labada Shariif ay doonayaan inay ku soo darsadaan golaha xukuumadda Cusub.
Warbixinno sir ah oo ay heshay SomaliSwiss ayaa muujinaya Liis dheer oo ay ku qoran yihiin Xubanaha Labada Shariif la doonayan inay ka mid noqdaan dowladda la dhisi doono, waana sidaan soo socota.
LIISKA WASIIRADA SHARIIF SAKIIN GUDBIYAY
C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi
Xasan Abshir Faarax
C/raxmaan C/shakuur Warsame
 C/risaaq Jurile
Cali Jaamac Jangali Â
LIISKA UU GUDBIYAY SHARIIF SHEIKH AXMADÂ Madhamays tirna.
C/kariin Xasan Jaamac
C/rashiid Khaliif Xaashi
C/qaadir Macalin Nuur
Maxamad C/llaahi Oomaar
Maxamuud Cabdi Garweyn,
Cali Ismaaciil Cabdi Giir
Dhanka Puntland C/raxmaan Faroole oo ah hogaamiyaha maamulkaasi waxa uu hanjabaad iyo caga jugleyn isugu daray Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya inuu ka hor imaan doono golaha Wasiiradiisa haddii aanu xubno loogu darin Liiska Wasiirada, isla markaana wasiiradaasi ay noqdaan kuwo ay ka warhayaan maamulkiisa soona xusho isaga si la mid ah Liiska Labada Shariif ay soo gudbisteen.
Ugu danbeyntii lama oga Dr. C/weli Maxamad Cali Gaas Ra’iisul Wasaaraha Cusub Soomaaliya sida uu ku qancin doono C/raxmaan Faroole iyo siduu ugu hogaansami doono amarka labada Shariif oo Liisaskooda ay yihiin kuwo aad u fara badan.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.