Jaaliyadda Karanle ee wadanka UK oo Qado Sharaf u samaysay Ra’isal wasarihii hore Mr. Farmaajo.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Jaaliyadda Beesha Karanle ee UK ayaa Xaflad  qado sharaf aheyd oo aad loosoo agaasimay  u samaysay Ra’isulwasaarihii hore Maxamad C/llaahi Farmaajo, taas oo shalay lagu qabtay Hotelka Ramaada oo ku yaala magaalada London.

Qado sharaftaas oo ay Jaaliyadda  Karanle ee wadanka  Ingiriisku ku soo dhaweynayeen Ra’isal wasaare Farmaajo Xaaskiisa Seynab Cabdi Macalin ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan qeybaha kala duwan ee  Jaaliyadda, sida indheergaradka, siyaasiinta, haweenka iyo culumaaudiinka.

 Ugu horeyn waxaa xafladda furay Afhayeenka jaaliyadda Karanle ee UK Dr. Cabdulqaadir Sheikh Cali ‘shukry’  oo magaca Jaaliyadda ku soo dhaweeyey Dr Farmaajo iyo Afadiisa.
Sidoo kale waxaa xafladaas ka hadlay suldaanka beesha Maxamed Xuseen Wardheere, gudoomiyaha beelaha Hawiye Cali  Sheikh Maxamed (Cali Shiine), xildhibaan Xasan Macalin, iyo wakiilka jaaliyadda Karanle ee wadanka Holland Dr. Maxamed Cariif Qaasim.
Waxaa iyadana goobta ka hadashay Marwo Maryan Jaceyl oo halkaas ka soo jeedisay suugaaan aad loogu sacbiyey iyo hadallo taageero ah oo ay u jeedisey Farmaajo iyo xaaskiisa Marwo Seynab Cabdi Macalin.
Dr. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo isna goobta ka hadlay ayaa Jaaliyadda uga mahad celiyey qado sharafta iyo sida wanaagsaneyd ee ay beeshu ula shaqeysay una garab istaagtay mudadii lixda bilood aheyd oo uu ra’iisulwasaaraha ka ahaa dowladda KMG ah, isagoo ka codsaday inay hadana taageeraan Ra’isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Dr. C/weli Gaas.
Ugu danbeyn waxay beeshu u ballanqaaday Farmaajo in ay si wanaagsan ula shaqeyn doonto Ra’isal wasaaha cusub dr C/weli Maxamed oo uu Farmaajo ku tilmaamay nin wadani ah oo buuxin kara kaalintii uu isagu baneeyey.
SommaliSwiss London, Aaliya Macoow
SomaliSwiss@hotmail.com
%d bloggers like this: