Advertisements

Dr. Farmaajo oo xalay shaaciyay shuruudo uu ku xiray Laba Shariif, isagoo Soomaalida u qaaday Heeso Wadaniya.

HOOS KA DHEGAYSO KHUDBADA

Halkaan ka akhri

Ra’isal Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo oo xalay Soomaalida UK kala qayb galay xaflad weyn oo lagu dhigay magaalada London, taas oo lagu xusayay maalintii midnimada iyo xorriyadda Soomaaliyeed ee 1-da Luulyo.

Dr. Farmaajo oo jeediyay khudbad socotay 18 daqiiqo ayaa ka hadlay fara badan oo ay ka mid ahaayeen Shuruudo uu ku xiray Labada Shariif markii ay u sheegeen inuu is casilo, wuxuuna xusay inuu kula heshiiyay inay ballan qaadaan inay iyaguna ogolaadaan in Wasiirradii isaga la shaqaynayay ee la socday shaqada dalka iyo meesha ay marayso loo daayo shaqadoodii, taas oo uu xusay inay aqbaleen.

Wuxuu xusay in iscasilaadiisu ay ku salaysnayd inaysan sii daba dheeraan dhibaatada iyo khilaafyada Soomaaliyeed, isagoo u mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed ee taageerada u muujiyay, wuxuuna niyadda ugu dhisay dadwaynihii uu la hadlayay in xukumaddii tayada lahayd ee qabatay shaqadii Soomaalidu u riyaaqday lasoo celi doono, sidaasi darteed wuxuu codsaday in lataageero, haddiiba ay dhacdo sidaasi, wuxuuna ku booriyay in halganku weli qabyo yahay.

Ra’isalwasaare Farmaajo oo ka oysiiyay qaar ka mid ah ka qayb galayaashii ayaa ugu dambayntii shacabka Soomaaliyeed ku sagootiyay inuu u qaado Heeso Wadaniya oo ay ka mid ahayd: KATASHADA CADAAWAHOO ISKU TIIRSANADA.

HALKAAN KA DHEGAYSO KHUDBADDII RA‘ISAL WASAARE FARMAAJO JEEDIYAY OO DHAMAYS TIRAN.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: