Diyaarado dagaal oo joog hoose ku duulaya oo cabsi galiyay shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Halkaan ka akhri

Diyaarado dagaal oo  joog hoose ku duulaya ayaa lagu arkay Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, iyadoo diyaaradahaasina ay qal qal ku abuureen dadka shacabka ah ee ku nool Magaaladaasi.

Dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa waxay xaqiijinayaan in magaaladaasi lagu arkay laga soo bilaabo shalay galinkii dambe ilaa xalay diyaarado joog hoose ku duulayay oo cabsi xoogan ku abuuray shacabka Magaalada Kismaayo.

 Sidoo kale shacabka ku nool xaafadda Calaley ee magaalada Kismaayo oo diiday in magaciisa in la sheego ayaa waxa uu Shabelle u sheegay in diyaaradahaasi ay yihiin nuuca wax basaasa ee aan duuliyaha laheyn, isagoo carabka ku dhuftay in diyaaradahaasi aysan geysan wax diyaarado ah balse waxa uu xusay in ay qal qal ku abuureen dadka shacabka ah.

Dhanka kale goobjoogayaal ku sugan magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegay in magaalada uu ka bilowday barakac ay samaynayaan qoysas ku nool Magaaladaasi kuwaasi oo ka cabsi qaba in ay waxyeelo ka soo gaarto duqeyn diyaaradahaasi ay ka geystaan Kismaayo.

Kadib markii diyaaradahaasi lagu arkay Kismaayo ayaa maamulka Al Shabaab ee ka taliya Magaaladaasi waxa ay bilaabeen in ay diyaariyaan ciidamo gaar ah kuwaasi oo la sheegay in ay la dagaalamayaan diyaaradaasi, waxaana dagaalyahanadaasi fariisin looga warshadii hore ee Hilibka ee  Kismaayo.

Hase yeeshee Shacabka magaalada ayaa ka cabsi qaba in saakay wax dhici doono iyadoo meelaha la isugu yimaadana hadal heynta ugu badan ee la isla dhexmarayo ay tahay diyaaradahaani iyo saameynta ay yeelan karaan.

Si kasta ahaatee todobaadkii la soo dhaafay ayay aheeyd markii diyaarado aan cidna wadin oo laga leeyahay Maraykanka ay duqeyn dhinaca cirka ah ka geysteen Xaafadda Qandal ee Kismaayo halkaasi oo lagu dilay dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab sida ay sheegatay dowladda Maraykanka.

SomaliSwiss    Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: