Advertisements

Mareykanka oo shaaca ka qaaday in uu gargaar bani‘aadanimo u fidin doono dadka ay abaaruhu ku waxyeeleeyeen gudaha dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Hay’adda dawlada Maraykanka u qaabilsan ee USAID ayaa shaaca ka qaaday inay Soomaaliya ugu tabarucday raashin gargaar ah oo gaaraya 19 Metrication oo ku kacaya lacag dhan 14 Million oo Dollarka Maraykanka.

Sidoo kale Maraykanku wuxuu sheegay in raashinkaan gargaar ah ah loogu talo galay in lagu caawiyo dadka ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya ee ay sida weyn u saameeyeen abaaraha dalka ka jira.

Dhanka kale Warbixintan ayaa lagu xusay in qeyb ka mid ah kaalmadaasi Maraykanku sheegay inay Soomaaliya ugu talo galeen ay gaartay qeybo ka mid ah gobolka waxaana lasii marsiinayaan barnaamijka cunnadda adduunka ee WFP.

Balse Qaramada Midoobay ayaa horey u sheegtay in malaayiin ruux oo Soomaali ah ay ku dac dareysan yihiin gudaha Soomaaliya isla markaana ay u baahan yihiin in gar gaar loo fidiyo.

Hase Hase yeeshee hadalkan ayaa yimid xilli maalmihii lasoo dhaafay ay Magaalada Muqdisho soo gaareen qoysas kasoo barakacay koofurta Soomaaliya kuwaasoo ay xoolo belay abaaraha dalka ka jira dadkaan qaarkood waxay ku dhibaateysan yihiin wadooyinka degmooyinka ay dawladu gacanta ku hayso ee Magaalada Muqdisho.

Si kasta ha ahaatee Hay’adda WFP ayaa sheegtay inaysan awood u laheyn inay ka hawl gasho gobolada dalka ee Al-Shabab ka taliyo ayaa lagu eedeeyaa inay wax kalmo ah siin dadka ku dhibaateysan goobaha aanu Shababku joogin.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: