Advertisements

Soomaalida UK oo Ra’isal wasaarihii hore Farmaajo kusoo dhaweeyay: Maanta.. Maanta.. Maanta Madaxweyne-heena Maanta.

 Halkaan ka akhri

Xafalad si wayn loo soo agaasimay oo ka dhacday dalka UK ayna ka soo qayb galeen dad aad u fara badan iyadoo si toos ahna looga fiirsanayay caalamka oo dhan TV-ga UNIVERSAL ayaa isla markii uu soo galay Dr. Farmaajo waxaa hal mar is qabsaday Heestii Madax banaanida oo lagu soo dhaweeyay.

Fanaaniinta iyo shacabkii Soomaaliyeed ee halkaas ku sugnaa ayaa hal mar isla jiibiyay, heestii maanta maanta maanta oo ay wada qaadayeen fanaaniinta i shacabkuna, waxaana markii uu soo galay Ra’isul wasaaruhu ay isu bedeshay heestii; Maanta maanta waa maalin wayn, maanta maanta madaxiin banaan, maanta maanta  Madaxweyneheenna maanta, iyadoo aad looga xishood siiyay Dr. Farmaajo iyo xaaskiisa.

Dadwaynihii lagu casuumay inay Mikarafoonka ka hadlaan ayaa dhammaantood iska diiday in Farmaajo loogu yeero, Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya, iyagoo xusay inuuu weli yahay Ra’isulwasaarihii Soomaaliya oo uu haysto kalsoonida iyo qalbiyadii shacabka Soomaaliyeed, sidaasi darteedna aysan macne ku fadhin in shaqsi iyo shaqsiyaad ay xilka ka qaadeen. Hadalka iyo shucuurta dadwaynaha ayaa laga dheehan karay in haddii ay awoodaan oo codkoodu shaqaynayo ay u magacaabi lahaayeen madaxweynaha Soomaaliya, taas oo laga yaabo inay dhacdo mustaqbalka.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: