Advertisements

Madaxweyne Shariif oo maanta barqadii dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

https://i0.wp.com/radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2011/07/madaxweyne-Shariif.jpg

 Halkaan ka akhri

Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maantay barqadnimii dib ugu soo laabtay dalka, kaddib markii ay ka soo qeyb galeen shirka hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika oo ka dhacay dalka Equatorial Geni.

Waxaana madaxeynaha iyo wafdigiisa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan dowladda, hase ahaatee Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in inta uu ka soo tegin dalkaas uu  kulamo gooni gooni ah la soo yeeshay wakiilo ka socda dalka Mareykanka oo ay ka wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan xaaladda dalku uu ku sugan yahay, ayadoo madaxweynuhu uu ka hadlay xaaladda Bani’aadamnimo ee ay dhaliyeen abaaraha iyo dagaalada ka jira waddanka.

Dhanka kale Madaxweynu wuxuu caddeeyey in Wakiilada Mareykanka ay sheegay in dowladdoodu ay kaalin mug leh ka qaadan doonto caawinta dadka Soomaaliyeed ee abaruhu saameeyeen, sidoo kale ay ka qeyb qaadan doonto dadaallada amaanka dalka wax looga qabanayo.

SomaiSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: