Advertisements

Madaxweynaha Hiiraan & Midland oo Finland kula hadlay jaaliyadaha reer Hiiraan ee dalkaasi.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

 Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hiiraan & Midland Cabdiqaadir Aadan Jiraabeey ayaa xaflado badan oo soo dhawayn ahaa wuxuu dalka Finland ugala qayb galay jaaliyadaha reer Hiiraan ee ku dhaqan dalka Finish-ka.

Madaxweynaha oo hadallo kala duwan oo qiimo lahaa u jeediyay jaaliyadihii soo dhaweeyay ayaa ku dheeraaday mahad celin iyo dar daaran ku saabsanaa in lacaawiyo shacabka ku dhibaataysan gudaha dalka Soomaaliya, isla markaana loo qabto wixii la awoodo.

wuxuu si gaar ah ugu mahad celiyay jaaliyadihii soo dhaweeyay isaga iyo wafdiga uu hogaaminayay soo dhawayntii iyo  marti galintii ay u fidiyeen, wuxuuna ilaah uga rajeeyay inuu ajar xasanaad ugu bedelo.

Madaxweynaha ayaa muhiimadda socodaalkiisa ku shegay inuu ahaa lakulanka Jaaliyadaha iyo kala war qaadasho iyo wada tashi dhammaan jaaliyadaha reer Hiiraan ee Finland iyo Kuwa Yurub-ta kale ka yimid, wuxuuna xusay inay lagama maarmaan tahay in laysku daro maskax lagu nabadeeyo, umadda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ood wadaagta ah ee reer Hiiraan iyo gobollada ku xeeran, iyo sidii kaalmo loo gaarsiin lahaa.

Wuxuu ka codsaday inay ku agcan siiyaan howsha loo xilsaaray ee maamulka Hiiraan & Midland, wuxuuna xusay in isaga iyo xukumumaddiisa kaligood uusan waajibku saarnayn ee looga baahan yahay jaaliyadaha qof kastaahi inuu qabto wuxuu awoodo.

Kulankaasi sidoo kale waxaa ka hadlay Cabdiraxiin Xuseen, Eng. Cabdirashiid Cawad Diiriye iyo mas’uuliyiin kale oo fara badnaaa.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Advertisements
%d bloggers like this: