Advertisements

Wasaaradda Shaqada & arimaha Bulshada oo fasax laba maalmood ah siisay Shaqaalaha dowladda, Xuska maalinta xoriyadda awgeed.

Halkaan ka akhri

Wasaaradda Shaqada, arrimaha Bulshada Dhalinyarada iyo Sportiga ayaa maanta ku dhawaaqday in 1-da ilaa 2-da Lulyo ay shaqaalaha dowladdu ka nasan doonaan howlahooda Shaqo, munaasabadda xorriyadda awgeed.

Sida lagu sheegay hadal qoraal ah oo ka soo baxay wasaaraddaasi,  isla markaana uu ku saxiixnaa Wasiirka Wasaarada shaqada C/nuur Macalin Maxamuud ayaa lagu caddeeyey in shaqaalaha Dowladu ay fasax ka yihiin howlahoodii shaqo munaasabadda Maalmaha xoriyadda awgeed, sida uu qabo sharciga dalka oo tilmaamaya fasaxyada nasasho ee shaqaalaha dowladda ee maalmaha ciidaha ah, ee ay Dowladdu aqoonsantahay.

Dhanka kale waxaa lagu wargeliyay dhamaan Hey’adaha Dowlada in maalinta Sabtida ah oo ay taariikhdu tahay 2-da Luulyo ay tahay maalin fasax ah, waxaana hadalkani ku soo beegmaya xilli si weyn loogu diyaargaroobayo xuska Munaasabadda 1-da Lulyo oo ay xoroobeen gobollada konfureed iyo israacii labada gobol Koonfur iyo waqooyi.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: