Advertisements

Wafdi uu horkacayo Madaxweynaha Hiiraan & Midland Eng. Cabdilqaadir Jiraabeey) oo gaaray magaalada Helsinki ee dalka Finland.

https://i0.wp.com/somaliweyn.org/pages/news/June_11/Sawiro/Madaxeynaha_Midale_Hiraan_State_Finland_2.JPG

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Waxaa Magaalada soo gaaray wafdi uu horkacayo Madaxweynaha Hiiraan and Midaland State Eng. Cadbiqaadir Aadan Cabdi( jiraabeey) oo ay weheliso Wasiirka Haweenka iyo arimaha Qoyska Marwo Suldaane Cadaay, waxaana ujeedada socdaalkooda ahaa inay ka qayb galaan shir ay soo qaban qaabiyeen Beel ka mid ah beelaha dega Gobolka Hiiraan.

Shirkan furitaankiisa ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay Mudane Cabdiraxiin Xuseen oo ka mid ahaa qaban qaabiyaasha soo dhawaynta Madaxweynaha Hiiraan and Midaland State, waxaana uu yiri Madaxweynaha iyo waftigiisa ku soo dhawaada dalka Finland ,waxaanu nahay Jaaliyad Soomaaliyeed oo midaysan waxaadna ka arki kartaa sida la idiin soo dhaweeyay.

Waxaa kaloo shirkaas ka hadlay Gudoomiyaha Jaaliyadda  midnimadda Soomaaliyeed ee Finland Eng. Cabdirashiid Cawad Diiriye waxaa hadlkiisa uu  ku furay, waxaan ku faraxsanahay imaantinka aad noo timaadeen hadddii aad tihiim maamul Goboleedka Hiiraan and Midland State, waxaana idin ku soo dhawaynaynaa qalbi furan waxaan idin leeyahay ku soo dhawaad Jaaliyad midaysan iyo dalka Finland , waxaan kaloo uu ku dar daarmay Eng. Cabdirashiid haddii aad tihiin maamul goboleedyada ka hana qaaday dalka noqda dariiqii loo maray isu keenida Soomaliweyna si aanu uga baxno dhibkii inagu habsaday waana idin ka filayaa.

Intaasi kadib waxaa isna hadalkii qaatay Madaxweyne Cabdiqaadir Aadan Cabdi ( Jiraabeey ) waxuuna yiri guud ahaan waan idin salaamay walaalayaal , waan idinka ajiibnay soo dhawaynta iyo marti galinta aad noo samayseen Illaahayna ha idinka ajar siiyo, intaasi kadib haddii aan u soo noqodo nuxurka socdaalka aanu kunimid Finland waxay ahayn in aan La kulanno Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland ,iyadoo aan dhamaan dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad isku maslaxad ah taasi  darteedna aanu waajib nagu tahay in aan kulan La samayno Jaaliyadda dibada iyadoo aanu kala tashanayno sidii loo nabadayn lahaa dalkeenii Soomaaliyeed oo masiibadu ku habsatay ,waana sababta igu kaliftay in aan u istaago samayta maamul goboleedka midale and Hiiraan State iyadoo wada tashi lagu soo dhisay .

Waxaana aad u jeclaan lahaa in aad igu garab siisaan sidii maamulkaasi uu wax u qaban lahaa dadkii wax ka qaban lahaana waa idinka ,anna waxaan ku da daalayaa in aan marka hore  hirgelinno nabada gobolka aan mas,uuliyadiisa sheeganayo kadibna aan u istaagi doono in aan wada shaqayn buuxda yeelano maamulada kale ee dalka ka jira .

Sidoo kale waxaa isna su,aal waydiiyay Madaxweynaha, Pro: Axmed weheliye ( Xiji ) waxayna ahayd su,aashiisa sida aanu ognahay Gobolka Hiiraan waxaa ka jira 3 maamul oo aad adigu ku jirto marka ma jirtaa wax xiriir ah oo aad leedihiin maamulada kale mise lee dihiin wada shaqayn?

Madaxaweynuhu waxa uu yiri haa way jiraan maamulo kale oo Gobolkan Hiiraan ka dhisan , waxaana lee nahay xiriir kuligeena waxaan nahay isku hadaf , waxaana rajeynayaa in dhawaan aynu wada noqono hal maamul.

Dhanka kale waxaa  isna  Su,aal waydiiyay Madaxweynaha, Xaaji Cumar waxayna ahayd , sida aad noo sheegtay Jaalle Madaxweyne waxaa xiir wanaagsan idin ka dhexeeyay Xukuumaddii uu hogaamiyaha ka ahaa Ra,iisul waasare Farmaajo, waxaad noo sheegtay in hoowshu meel fiican idiin maraysay ,marka hadda haddii ay wax isbadaleen oo uu Farmaajo meesha ka baxay waa sidee rajadaadu.?

Maxadaweynuhu  oo ka jawaabayey waxa uu yiri „ aa waa jirtaa in Ra,iisul wasaare Farmaajo iyo xukuumaddiisu aan wada shaqayn buuxda la hayn ,waliba gobolka Hiiraan laga waday qorsho  looga sifaynaayo qolyaha nabd diidka ah ,haddana waxaan rajaynayaa in Ra,iisul wasaare Cabdiwali sida uu balan qaaday in uu howshii qabyada noqotay ee Farmaajo uu meesha kasii wadi doono haddii alle-idmo“.

Si kasta ha ahaatee guud ahaan  xubnihii ka soo qayb galay soo dhawaynta Madaxweynaha Hiiraan and Midland State Eng, Cabdulqaadir Aadan Cabdi ( koojeer) ayaa ahayd mid si weyn loo soo agaasimay iyadoo  sidoo kale waxaana habeennimadii Casho sharaf u  sameeyey Wafdiga Madaxweynaha, Ururka midnimada Soomaaliyeed ee Finland.

SomaliSwiss    Helsinki

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: