Sanad Guuraddii 51-aad ee Xornimada iyo Mideynta Soomaaliya oo si ka duwan sanadihii hore looga Xusay gudaha dalka iyo dibaddiisa.

Halkaan ka akhri

Waxaa ii faraxd ah in aan maanta halkaani hambalyo iyo boogaadin ba u diro  dhamaan ummadda soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan, munaasabadda maanta oo ah sannad  guuradii 51aad maalintii xornimadda iyo mideynta shacabka soomaaliyeed, waxaan ilaahay  ugu baryeenaa dhamaan geesiyaddii naf iyo maal ba u hibeeyey xoriyadda maanta aynu haysano inuu Eebbe u naxriista oo jannadiisa fardoosa ahayd na  ka waraabiyo, inta nool na waxaanu Ilaahay  ugu rajayneynaa caafimaad taam ah iyo in ay ku noolaadaan bash bash iyo barwaaqo, shacabka soomaaliyeedna dhibaatadda ku habsatay inuu ilaahay ka dul qaado, colaadana nabad ugu beddelo. Waxaan nasiib daro ah halgankii lagu keenay xornimadda iyo midnimadda ummadda soomaaliyeed , ka dib manta in qaranimaddii iyo sharaftii uu dalka lahaa jiray  ay burburto taasoo ay u sabab yihiin koox wax magarato ah oo u hanqal taagaya in ay dalka dib ugu celiyaan gumeysi shalay laga xoroobay iyaga oo dhaafsanayaa xoolo adduun kuwaasoo aan dan iyo xaajo midna ka lahayn dhiiga maanta  daadanaya.

Sida la wada ogsoon yahay maanta oo ah 51 guuraddii calanka iyo qaranimadda  soomaaliyeed, June 26, 1960kii xorriyadda gobolada waqooyi iyo maalinta 1 July 1960kii goboladda koonfur  ahna maalinta israaca labada gobol, waxaa  xusid mudan maanta oo ah maalin weyn oo taariikhi ah qiimo iyo qadarin ba ugu fadhido ummadda soomaalyeed meel kasta oo ay ku nool yihiin. waa maalintii calankeyna la taagay kii gumeysigana la siibay  waa na maalintii gunnimadda aynu ka baxnay. Runtii waa maalin weyn oo aan la ilaabi Karin  oo ku weyn quluubta shacabka soomaaliyeed, in kastoo ay jiraan kala go’ baaxad weyn oo dhabar jab ku ah himilooyinkii ummadda soomaaliyeed oo ahaa Bansomalism.

Hase yeeshee waxaa nasiib  daro ah 51 sano ka dib soomaalidii xorta ahayd in ay u kala googodo  dhowr qaybood oo qabiil ku dhisan ,  gobol walaba  sameystay magac  iyo madaxweyne u gaar ah ,taaso lagu marin habaabinaayo ujeeddooyinkii iyo himilooyinkii halgankii xisbigii SYL iyo muwaadaniinta soomaaliyeed ee gumeysi diidka ahaa , kala googo’aan iyo state  yadda faraha badan ee manta soomaaliya u kala qaybsantay ay halis weyn ku tahay mustaqbalka midnimadda ummmadda soomaaliyeed, taasoo farxad gelineysa gumeysiga soo jireyka ah ee cadowga ummadda soomaaliyeed iyo kuwa u adeega gumeysiga. Burburka iyo kala taga maanta dalka ka jira waxay salka ay ku haysaa barnaamijkii gumeysiga oo ahaa qaybi oo xukun   iyadoo ka tarjumeysa riyaddii gumeysiga uu ka tagay markii dalka laga xoreeyey, waxaa ayaan  daro ah in gacamaha  dadweynaha soomaaliyeed lagu fuliyey burburka iyo kala taga maanta dalka uu ku sugan yahay.

Xornimadda maanta aynu haysano waxay ku timid dhiigii dadweynaha soomaaliyeed oo naf iyo maalba u huray taasoo aan si  na lagu ilaabi Karin {Gobanimaddu: waa geed har  weyn oo ku baxa dhiiga dadweynaha} , xornimadau  waa qaali  ma ah mid ku timid si fudud,  balse waxaa lagu bixiyey naf iyo maal isla markaasi na loo hibeeyey geesiyaddii dalka oo u daadiyey dhiigood qaaliga ah.Runtii gobanimaddu waxaa lagu gaaray halgan adag, wadajir, daacadnimo, isku kalsooni iyo midnimo wadaniyad xambaarsn.

Xisbigii SYL koonfur iyo SNL waqooyi oo xusid mudan doorkii ay ka soo qaateen soo dhallinta xornimada maanta aynu ku faano, shacabka reer waqooyi waxay go’aansadeen in ay soo raacaan walaalahood konfureed sharuud la’aan, maxaa yeelay waqooyi had iyo jeer waxay ka shaqeyn jirtay raadinta  midnimada soomaali weyn , taasi waxaa daliil cad u ah in cuqaashii goboladda waqooyi 1946dii waxay ingriiska ka codsadeen in soomaaliya u mideyo iyagoo ku adkeyey ingriiska inuu isku daro 5ta soomaaliyeed , sannadkii 1947dii mar labaad cuqaashii reer waqooyinka oo ay ka mid yihiin:-

  1. Suldaan Maxamuud Cali Shire
  2. Suldaan Cali Muuse
  3. Suldaan Maxamed Faarax
  4. Suldaan Xirsi Cabdullahi
  5. President General SNS: Saciid Caabi
  6. Xoghayaha Guud SNS : Maxamud Jaamac Uurdoox
  7. Yuusuf Imaan Burcaawi
  8. Adan Cabdi
  9. Maxamuud Cabdi Caraale
  10. Akhil Yuusuf Xirsi

Kuwa kale fara badan oo aan halkani aan ku soo koobi karin, kuwaasoo dhowr jeed codsi kale duwan  ay u jeediyeen colonial Office  ingriiska, in sharuud la’aan soomaaliya oo mideysan  in la gaarsiyo xornimo buuxa, iyagoo ku adkeynaayey dawladda Ingariiska in soomaali mideysan la helo ka dibna  ingriiska hogaanka u qabto, qoraalkii Uurdoox u gudbiyey uu ku sheegay in 90% ummadda soomaaliyeed ay isku raacsan yihiin in ay helaan xornimaddooda iyagoo mideynsan 5ta soomaaliyeed ah , maadaama ingriiska gacanta ugu jirtay inta badan ee qayba soomaaliya marka laga reebo Jabuuti oo ay gacanta ugu jirtay dawladda France, taasoo ay ka codsadeen inuu gorgortan la galo dawlada France, si ay ugu soo wareegto gacanta dawlada Ingriiska.

Bishii Oktoober 1949kii: Muddni Cabdullahi Ciisi Maxamud oo ahaa xoghayihii guud ee SYL markii uu tagay United Nations wuxuu baaq u soo jeediyey dhamaan ummmadda soomaaliyeed  meel kast oo  joogaan , baaqasi oo ku sabsanaa in shacabka soo maaliyeed oo ay halgan xoog leh u galaan si looga hortago qoyshaha talyaaniga SFORZ –BEVIN  iyo Dawladda Ingariiska in soomaaliya gacanta loo geliyo dawladda talyaaniga united nation qorshahaasi way diiday, qorshahaasoo ujeeddooyinkiisa ugu waa weynaa u ahaa in talyaaniga ku andacoodday in gacanta loo geliyo soomaaliya maadaama uu haniti fara badan ay u taalo isla markaasi na  si dhulka soomaaliyeed uu u keeno ama u soo dejiyo  dad talyaani ah si ay u noqoto soomaaliya ay u noqoto  habkii south Africa oo kale oo halkaasi ay ka dhashaan  is dhex gal ummadda soomaaliyeed iyo dad talyaaniga {integration}, Allaha u naxriistee Cabdullahi Ciise wuxuu ummadda soomaaliyeed ku baraarujiyey in xoogooda  ay isku geeyaan si qorshahaasi talyaaniga ee  hagardaamadda badan lagu baajiyo oo looga hortago . Mar alla markii xisbiga ay soo gaareen baaqasi Cabdulllahi ciise uu ka soo jeediyey New York , waxay 5tii Oktoober 1949kii laga  abaabulee banana baxa weyn oo ka dhacay Dhaxag tuur , halkaasi oo ay ka dhacday mashaqooyin oo dhimasho iyo dhaawacba isku jiray, kuwaasoo ay geesteen askartii gumeysiga ingriiska.

Haddii aan si kooban u dul maro taariikhda 1Luuliyo oo ah maalin weyn oo aan lagu soo koobi Karin  qoraalkaani  laakiinse waxaan jacalahay in aan waxa yar ka xuso.

Bishii September 1949kii Qaramada Midoobey   shir weyniihii  ay yeesheen waxay go’aan sadeen in soomaaliya loo dhiibo maamulkeedii Dawladda Talyaaniga  iyadoo  4tii dawladood oo loo xil saaray,oo ay ka mid ahaayeen Philipin , Colombia , Masar iyo Laiberia   in ay u ahaan doonaan la talinta maamulka  muddo 10 sano ah in soomaaliya la gaarsiiyo xornimo .
Bishii April , 1950kii:  Taliyaniga wuu ingriska kala wareegay Mamulki dalka Soomaliya.

Bishii Oktoober , 1954tii: waxaa la gudoonsaday in dalka loo sameeyo calan ,kaasoo noociisa ah blug oo dhexda kaga taal xidig cad oo shan geesoo ah, taasoo macnaheeduna yahay shanta qaybood ee Soomaaliyeed  oo 1884tii shirweynihii Berlin lagu qaybsaday soomaaliya .

Sannadkii 1954-1958dii : waxaa la qabtay dorashooyinkii golayaasha degaannada dalka oo dhan waxaa kaloo la abuuray golaha sharci dejinta.

Bishii April 29, 1956dii:  waxaa la qabtay doorashooyinkii  siiyasadda lagu na soo doortay dalka oo dhan. Golahaasi wuxuu ka goonaa 70 kursi. 60 ka mid ah waxaa loo qeybiyey xisbiyadii tartamaysay  , SYL waxay heshay 43 kursi , Xisbiya na 13 kursi , 10 kursina waxaa loo qeybiyey ajaanibta dalka ku noolaa , (a) Talyaani 4 kursi (b) Carabta 4 kursi (c) Pakistan 1 kursi (d) Hindi 1 kursi , Xisbiga Dimoqaradiga 3 kursi iyo Xisbiga Midowga M 1 kursi . Golahaasi oo ahaa kii golaha shacabka ee la soo doortay waxaa guddoomiye ka noqday Mudane Aadan Cabdulle Cismaan.

Bishii Maajo 7, 1956dii: waxaa loo xilsaaray inay soo magacawdo Ra’iisal Wasaare, Ra’iisal wasaarihii ugu horeyna waxaa loo soo magacaabay mudane Cabdullahi Ciise Maxamoud oo soo dhisay dawlad ka kooba Ra’iisal wasaare iyo 5 wasiir.
Sanadkii 1959kii Cabdullahi Ciise Maxamud uu soo dhisay dawlad ka kooban Ra’iisal Wasaare iyo 10 wasiir.
Bishii April 12, 1960kii waxaa la dhisay ciidan xooga dalka soomaaliyeed oo uu hogaaminaayay Allaha ha u naxriistee General Daa’uud Cabdulle Xirsi, khudbadii ugu horeysay ee uu soo jeediyey Allaha ha u naxriistee wuxuu yiri, “ {Maanta waxaa la aasaasay Ciidankii dalka daafi lahaa haddii cadaw ku soo gardarooda ama ku soo duulo}.

Bishii Luuliyo , 1960kii: oo ahayd maalintii xornimada iyo isku darkii koonfur iyo waqooyi. Golahii barlamaanka na wuxuu ka koobnaa 123 xubnood, koonfur waxay lahayd 90 xubnood waqooyina 33 xubnood .  Madaxweynihii u horeeyey ee Soomaaliya waxaa noqday Aaden. Shirkii ugu horeyey ee barlamaanka uu qabto waxaa ka soo qeyb galay 115 xubnood inta kale na way ka maqnaayeen, shirkaasi na waxaa si buuxda lagu doortay madaxweynihii ugu horeyey uu dalka yeesho wuxuu ahaa , Allaha ha u naxriistee Mudane Aadan Cabdulle Cismaan, waxaana Ra’iisal Wasaare u noqday Allaha ha u naxriistee Mudane Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Sannadkii 1964tii : waxaa madaweyne mar labaad loo doortay Muddanne Aadan Cabdulle Cismaan waxaana dawladdii labaad dib u soo dhisay Muddane Cabdiraaq Xaaji Xussein oo noqday Raiisul wasaare. Allaha ha u naxriistee  Muddane Aaden Cadde laba jeer ayuu ku guuleystay inuu madaxweyne ka noqdo dalka. Bishii June 1967dii : waxaa madaxweyne  loo doortay  Allaha ha u naxriistee  Muddane Cabdirashiid Cali Sharma’arke , oo soo magacaabay 15kii Luuliyo Ra’iisal Wasaare Allaha ha u naxriistee Mudane Ibraahim Cigaal oo soo dhisay dawladii seddexaad.

Nasiib daro waxaa noqotay in 15kii Oktoober 1969kii lagu dilay magaalada Laas caanood madaxweynihii dalka Allaha u naxriistee Muddan Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo booqasho ku maraayey goboladda waqooyi , dilkaasi madaxweynaha soomaaliyeed uu soo dedejiyey in uu dalka ka dhaco inqilaab military ah. Bishii Oktoober 21, 1969kii :  waxaa dalka qabsaday ciidanka {Golaha Sare ee Kacaanka Soomaaliyeed} oo uu hogaaminaayey Allaha ha u naxriistee Maxamed Siyaad Bare.

Bishii Oktober 21, 1972dii: Waxaa si rasmi ah loo qoray Afka Soomaaliga oo wixii xilligaas ka horeeyey aan qornayn laakiinse dhowr jeert la isku dayay in la qoro hase yeeshee ma lagu guuleysanin hase yeeshee dawladdii militariga ahayd waxaa u suurta gashay in ay hergeliso ama ay qorto afka soomaaliyeed isla markaasi na ay ku baahiso goboladda iyo degmooyinka dalka oo dhan, waxayna go’aansadeen in maamulka dawladda lagu qoro afka Soomaaliyeed.

Sannadkii 1976dii : waxaa lagu dhawaaqay Xisbiga Hantiwadaag Kacaanka Soomaaliyeed (Somali Revolutionary Socialist Party) ,muddo  21 sanadood ah ayaa dalka gacanta ku hayay xukun Military ah oo aaminsanaa hantiwadaaga cilmiga ku dhisan. Bishii Janaayo 26, 1991kii oo  ahayd maalintii ay dhacday maamulkii Militariga oo u hogaaminaayey Mahamed Siyaad Barre, ilaa iyo maanta weli waxaa la la’yahay dawlad awood badan oo dalka oo idil maamuli karta. Balse dalkii mideysnaa uu kala googa’o, heer waxaa la maraayaa in qabiil walba uu sheegto maamul goboleed iyo madaxweyne huwan magac qabiil .
Runtii markii ay dawladdi dhexe ay halkaasi ka baxay shacabka soomaaliyeed waxaa ku habsaday musiibo oo ilaa iyo manta ay ka soo kabsan la’yihiin, haybaddii iyo sharaftii ay adduun weynaha ku lahaan jireyna ay burburtay . Waxaanu ilaahay ka baryeynaa inuu dib u soo celiyo sharaftii iyo haybaddii ay lahaayeen ummadda soomaaliyeed.

Haddaba waxaa loo baahan yahay in ummadda soomaaliyeed in ay xil adaga iska saaraan sidii looga hortagi lahaa qorshooyinka foosha xun gumeysiga cusub la damacsan yahay dhulka  soomaaliyeed inuu kala jar jaro oo maanta indhaha dadweynaha soomaaliyeed aan ka qarsooneen  Sidaasi darted dhallinyaradda maanta jirta waxaa looga baahan yahay in ay go’aan adag qaataan isla markaasi na ay oggaadaan inuu xil ka saran yahay samata bixinta dalka iyo dadka maxaa yeelaya shalay dalkaani waxaa badbaadadiisa ka qayb qaatay dhallinyaro  soomaaliyeed oo ay ka hortagaan damac gumeysiga madow  iyo kuwa soomaali diidka ah oo aan marnaba ogoleyn in ay dalka ka dhallato dawladda mideysan oo awood badan oo hogaanka u heysa ummaadda soomaaliyeed, kana difaacda ciida iyo calanka soomaaliyeed. Waxaa nasiib daro ah in mririhii gobanimadoonka ahaa oo loo huray naf iyo maalba ay ku burburaan gacan soomaalilyeed  oo aan dan ka lahayn dadka iyo dalka ba, kuwaasoo aan oggoleyn qaranimaddii iyo sharaftii dalka uu lahaan jiray in ay dib u soo noqoto,Muddo 20 sanadood iyo in ka badan waxaan la’nahay   haybaddii dawladdnimo hase yeeshee mustaqbalka waxaa halis loo yahay in maamulka dalka uu gacanta uu u galo gumeysiga cusub kaasoo ku haminaayey muddo dheer in uu gacanta ku dhigo dhulka soomaaliyeed.

Qore:  Aqiil Abdulkadir Ali Bolay
bollay@hotmail.com

SomaliSwiss  London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: