Advertisements

Mareykanka oo Shaaciyay in madax ka tirsan Al-Shabaab ay ku duqeeyeen Jubooyinka.

   Halkaan ka akhri

Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horeysay qirtay inay weerar dhinaca cirka ah oo loo adeegsaday diyaaradaha aan cidina wadin ay  ku qaadeen fariisimo xarakadda Al-Shabaab ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Wargeyska Washington Post oo soo xiganayay sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda Gaashaandhiga ee Mareykanka ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in weerarkaasi lala beegsaday labo sarkaal oo sar sare oo kana tirsanaa xarakadda Al-shabaab, kuwaas oo la tilmaamay in xariir ay la leeyihiin uruka Al-Qaacida.

Iyadoo dowladda Mareykanku ay aad kaga walaacsantahay xariirka sii kordhaya ee al-shabaab ay la leedahay al-qaacida ayaa weerarkii todobaakii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Qadal ee gobolka Jubbada Hoose, waxa ku dhaawacmay labo ka mid ah hoggaamiyaasha ugu cad cad al-shabaab sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanku.

Wargeyska Washington Post ayaa isaga oo mar kale soo xiganaya sarkaalka ka tirsan Pentagon-ka waxa uu shaaca ka qaaday in ka hor inta uusan weerarkani dhicin al –shabaab ay qorshanayeen howlgalo ay ka fuliyaan meelo ka baxsan gudaha Soomaaliya.

Mareykanku waxa uu tilmaamay in labada sarkaal ee sida gaarka ah loola bartilmaameedsaday weerarkani ay xariir toos ah la leeyihiin ninka lagu magacaabo Anwar al-Awlaqi oo ah daaci u dhashay Mareykanka ah hase ahaatee asal ahaan ka soo jeeda qoys dhalashadiisu tahay Yeman haddana lana rumeysanyahay inuu isku qarinayo dalka Yeman.

SomaliSwiss News Desk

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: