Advertisements

Ra’isal Wasaare Cabdiweli Maxamed oo maanta kormeer ku tegey dekedda weyn ee Muqdisho.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Ra’isal Wasaaraha KMG Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey dekedda Muqdisho, halkaas oo uu kula wareegay mucaawano isagu jirta raashin iyo gaadiid ay dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) u soo dhiibtay shacabka soomaaliyeed.

Hase yeeshee ma aha markii ugu horreysey ee ay dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ay mucaawano soo gaarsiiyaan shacabka soomaaliyeed, waxeyna markhaati ka tahay sida ay noo xasuusanayaan waqtiga aan ugu baahi badanahay. Waxaan u caddeyneynaa wallaalaheen UAE in mucaawanadii ay shacabka u keeneen si toos ah loo gaarsiin doono shacabka ugu baahida badan.

Sidoo kale Ra’iisul-Wasaare Abdiweli Mohamed Ali ayaa wuxuu ugu baaqayaa bulshada caalamka gaar ahaan waddamada aan wallaalaha nahay iyo kuwa aan saaxiibka nahayba inay shacabka soomaaliyeed la soo gaaraan gar-gaar bani’aadanimo, kuna daydaan dowladda isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Dhanka kale  Ra’iisul-Wasaaruhu wuxuu ganacsatada, iyo shacabka soomaaliyeed ee awooda inay gar-gaar bani’aadanimo ka codsaday inay  wallaalahood soomaaliyeed ee u baahan u fidayaan gar-gaarka, wuxuuna intaas uu raaciyey in ummaddu Soomaaliyeed ay isku tashadaan si looga maarmo kaalmada shisheeye.

“Somalida dhaqan ahaan waxaa lagu yaqaanay in ay is gar-gaaraan oo deriskooda ay ka warqabaan“ ayuu yiri  Dr Abdiweli Mohamed, sidaas dareed wuxuu raaciyey waxaa nagu soo fool leh bisha Ramadan oo nooga wada baahan inaan isu naxariisano.  

Ra’iisul-Wasaaruhu wuxuu carabka ku dhuftay in hay’adda Qaxootida (UNHCR) ay sheegtay in bishiiba 10,000 oo qaxooti ah ay gaarayaan xerada Dhadhaab ee Kenya, sidoo kale 5,000 – 6,000 oo qaxooti inay bil walba iska diiwaan gelinayaan xerada Doolow ee dalka Ethiopia.

Ugu danbeyntii Ra’iisul-Wasaaruhu wuxuu u mahadceliyey shaqaalaha iyo maamulka dekedda oo ay ku jiraan shaqaalaha furdooyinka iyo turubataariyada booliska oo runtii la dagaalay musuqmaasuqa. Waxaana ku dhiiri gelineynaa inay sii wadaan dadaaladooda.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: