Advertisements

Deegaan ka tirsan gobolka Gedo oo uu xalay dagaal qaraar ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa xarakada Al-Shabaab.

Halkaan ka akhri

Gobolka Gedo ayaa laga soo sheegaya inuu dagaal qaraar ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolkaas, kadib markii wadada loo galay Ciidamo Dowladda KMG ah iyo kuwa Ahlu sunna oo isku dhinac ah oo tababar soo dhamaystay, kuwaas oo ku soo jeeday deegaano ka mid ah Gobolkaasi.

Dagaalkan ayaa la leeyahay inuu ka dhacay deegaanka Maaykaa-reebeey ayaa iyadu u dhaxeysa Garbahaareey iyo luuq, waxaana la sheegay in dagaalkaasi ay guulo ka gaareen Ciidamada Dowladda KMG ah.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in dagaalkan uu dhacay xalay, iyadoo ciidamo ka tirsan dowlada KMG ah ee Soomaaliya oo tababar ugu soo dhamaaday Degmada Dooloow ee Gobolka Gedo uu dagaal ku qabsaday inta u dhaxeysa Garbahaareey iyo Luuq.

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in Ciidamo Dowladda KMG ah ay gaarsiiyeen khasaare aad u fara badan oo gaaraya ilaa iyo 12 ciidan oo ka tirsan al shabaab oo ay ku dileen dagaalkaasi xalay ka dhacay deegaanka Maaykaa-reebeey.

Dhanka kale Maxamed Cabdi Kaliil wuxuu kaloo sheegay inay sii wadayaan dagaalada ay kula jiraan Al Shabaab ilaa ay ka saarayaan gobolada Koonfureed, wuxuuna sheegay in dagaalkaasi sidoo kale ay ku dhaawaceen ciidamo kale oo Shabaab ka tirsan.

Hase yeeshee Al-Shabaab ayaa iyana ku faantay inay jab iyo khasaare fara badan gaarsiiyeen ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, islamarkaana deegaankaasi ay iyagu ka taliyaan.

SomaliSwiss Galbahaarey

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: