Advertisements

Danjire Nuur Cadde oo soo dhaweeyay ansixinta ra’iisul wasaaraha cusub, kana digay in dib u soo laabta khilaaf dambe.

Halkaan ka akhri

Ergeyga Soomaaliya uga wakiilka ah Midowga Yurub islamarkaasna ah Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Taliyaaniga Mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa soo dhaweeyay ansixinta Dr. C/weli Maxamed Cali oo toddobaadkii hore loo magacaabay xilkan, isagoo sheegay inuu ka rajaynayo inuu kasoo bixi doono mas’uuliyadda dhabarka loo saaray.

Danjire Nuur Cadde oo u warrramayay Radio Muqdisho oo ku hadla afka DKMG Soomaaliya ayaa ku tilmaamay tallaabada uu baarlamaanku ku ansixiyay ra’iisul wasaare C/weli mid muujinaysa in baarlamaanka ay ka go’an tahay in howlaha dowladdu socdaan.

Sidoo kale Danjire Nuur Cadde ayaa uga digay madaxda Dowladda KMG ah khilaafyo dambe oo soo dhexgala wuxuuna yiri:  “Runtii codadka lagu ansixiyay Dr. C/weli Gaas ma ahayn kuwo la filayay, waxaana u arkaa xildhibaannada baarlamaanka inay ka go’an in horay loo socdo,”.

Nuur Cadde oo  Soomaaliya ka ahaa Ra’iisul wasaare sannadkii 2007, ayaa xilka ka tagay dhammaadkii 2008 markaasoo uu billowday shirkii Jabuuti ee lagu soo dhisay xukuumadda hadda jirta, wuxuuna markii xafiiska loo magacaabay uu bedelay Prof. Cali Maxamed Geeddi oo isku xasilay khilaaf soo dhexgalay isaga iyo C/llaahi Yuusuf oo ahaa madaxweynihii Soomaaliya.

Hase yeeshee Mudane Nuur Cadde oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Madaxda DKMG ah ee Soomaaliya waxaa horyaalla howlo badan oo ay tahay sidii lagu soo celin lahaa ammaan, waxaana ugu baaqayaa inay ka fogaadaan khilaaf dambe oo soo dhexgala ayna howsha hortaalla u gutaan si isku duubni ah,”.

Si kasta ha ahaatee Nuur cadde wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in xukuumadda cusub ee lasoo dhisay, baarlamaanka iyo madaxweynaha ay u wada-shaqeyn doonaan halka sano ee soo socda si wadajir ah.

SomaliSwiss    Roma

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: