Advertisements

Ra’isal wasaaraha cusub Cabdiweli Maxamed Cali oo ladhaariyay ansixintiisa kadib.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa maanta fadhi uu ku yeeshay magaalada Muqdisho waxaa uu cod aqlabiyad leh ku ansixiyay ra’isal-wasaaraha cusub Mr. C/weli Maxamed Cali ee uu dhawaan soo magacaabay madaxweyne Shariif Sheikh Axmed.

Waxaa codkooda ku ogolaaday 437 Mudane ansixinta ra’isal wasaaraha cusub, halka ay 4 mudane diideen, 2-kalena ay ka aamuseen.

Kulanka lagu ansixiyay ra’isal wasaaraha cusub ayaa waxaa goob-joog ka ahaa madaxweyne Shariif kaasoo ay soo xaadireen 443 xildhibaan.

Ansixita kadib waxaa la dhaariyay ra’isal-wasaare C/wali Maxamed Cali, kadibna isla adhiga kula hadlay xildhibaannada Baarlamanka Soomaaliya. Ra’isal wasaaraha ayaa sheegay in uu haatan u guda-gali doono sidii uu kusoo dhisi lahaa golihiisa wasiirada.

Ra’isal wasaare C/weli Maxamed Cali, ayaa kamid ah qurba joogta Soomaalida, isla markaana haysta dhalashada wadanka Mareykanka, isla markaana noqonaya ra’isal wasaarihii saddexaad ee uu soo magacaabo madaxweyne Shariif Sheikh Axmed tan iyo sanadkii 2009-ka.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: