Advertisements

Xildhibaanada Baarlamanka oo Cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Ra’isal wasaare C/wali Maxamed Cali

Halkaan ka akhri

War naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Xildhibaanada Barlamanka KMG Soomaaliya ay cod aqlabiyad leh  ay ku ansixiyeen Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Cabdi wali Max’ed Cali, iyadoouga horreyntii uu  kulanka Barlamaanka uu hadalo ka jeediyay Madaxweyne Shariif.

Kulan maanta ay ku yeesheen Xildhibaanada xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa tiradooda ahaa 443 xildhibaan waxaana shir gudoominayay gudoomiyaha Barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa waxa ay ku ansixiyeen Ra’iisul wasaare C/wali Max’ed Cali.

Sidoo kale Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadalo ka jeediyay, waxaana uu ugu horeyn ka codsaday mudanayaasha Barlamaanka in ay ansixiyaan Ra’iisul wasaaraha cusub.

Intaasi kadib ayaa gudoomiyaha Barlamanka waxa uu qaaday codeynta ansixinta Ra’iisul wasaaraha iyadoo 4 xildhibaan ay diideen anxisinta Ra’iisul wasaaraha, 437 xildhibaana ay ansixisay halka 2 kalana ay ka aamuseen.

Markii lagu dhawaaqay in uu ansax yahay Ra’iisul-wasaaraha ayaa waxaa halkaasi mar kale ka hadlay Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh shariif Sheekh Axmed isagoo uga mahad celiyay mudanayaasha Barlamanka sida ay u ansixiyeen Ra’iisul-wasaaraha.

Dhanka kale waxaa halkaasi hadal gaaban ka jeediyay Ra’iisul wasaare C/wali Max’ed Cali, waxaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay sida mudanayaasha Barlamaanka ay codka kalsoonida u siiyeen, waxaana uu balan qaaday in uu wax badan ka qaban doono xaalada dalka.

Uga danbeyntii kulanka ayaa waxaa soo xiray gudoomiyaha Barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, wuxuuna sheegay in mudanayaasha barlamaanka ay sii wadan doonaan fadhiyada Barlamaanka.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: