Advertisements

Afhayeenka Odayaasha dhaqanka Hawiye oo ka warbixiyay kulankii ay kula soo qaateen Augustine Mahiga Maagalada Kampala.

Halkaan ka akhri

Odayaasha dhaqanka iyo midnimada Tolweynaha Hawiye ayaa ka warbixiyay kulankii shalay Maagalada Kampala loogu soo gabagabeeyey Odayaal dhaqameydyo ka kala tirsan Qabaa’ilka Soomaalida, sida la sheegay kuln ayaa qabaqaabadiisu lahaa Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

 Odayaashan oo qaarkood shalay ay dib ugu soo laabteen magaalada Muqdisho ayaa waxay faah faahin ka bixiyeen kulamo ay maagalada Kampala kula qaateen Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Ambassador Augustine Mahiga.

 Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ah  Afhayeenka Odayaasha dhaqanka ee qabaailka Hawiye oo safarkooda uga warbixinayay qaar ka mid ah Warbaahinta Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in magaalada Kampala ee Xarunta dalka Uganda ay kula kulmeen Augustine Mahiga kaasi oo ay ka wada hadleen waxyaabihii ka soo baxay heshiiskii Madaxda dowladda ee dalka Uganda.

 Sidoo kale Afhayeenka wuxuu Caddeeyay in Augustine Mahiga ay u sheegeen in iyagu aysan doonayn in wax talo ah ay ku yeeshaan heshiiskaasi maadaama horey aan loogala tashan, wuxuuna intaasi ku daray in go’aan ka gaarista heshiiskaasi ay u yaalaan barlamaanka KMG Soomaaliya.

 Afhayeenka Odayaasha dhaqanka Qabaa’ilka Hawiye  oo wax laga waydiiyay shir la sheegay in bishan gudaheeda uu ka dhici doono magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qabashada shirkaas laga soo abaabulayo magaalada Nairobi, wuxuuna intaas uu raaciyey in shirkaasi ay abaabulkiisa ka dambeeyaan barlamaanka iyo Maamulada Puntland iyo Galmudug, isagoo sheegay in arintaasi aan loo baahneyn maadaama Maamuladaasi ay qeyb ka yihiin dowladda KMG Soomaaliya.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: