Waa maxay Ujeedada ka danbeysa shirka Odayaasha dhaqanka ee uga furmay magaalada Kampala ?

Halkaan ka akhri

Waxaa Magaalada Kampala ee dalka Uganda shir uga furmay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka  Soomaaliyeed, shirkaas oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay.

Kulankan  oo loogu magac daray shir wada tashi ayaa waxaa shir gudoominayo ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Agustine Mahiga, waxaana ka qeyb galaya odayaasha dhaqanka oo caan ka ah Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Afhayeenka Tolweynaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka qeybgalaya shirkaan ayaa u sheegay warbaahinta in kulankan diirada lagu saarayo sida ay u arkaan odayaasha dhaqanka heshiiskii Kampala iyo waxa ay ku kordhin karaan.

Sida laga war qabo Heshiiski Kampala ayaa waxaa ka soo baxay 10 qodob oo mid ka mid ah la fuliyey kaasoo ahaa inuu xafiiska ka dago ra’isulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Farmaajo oo lagu badalay Dr C/wali Gaas.

Odayaasha ka qeybgalaya waxaa ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Tolweynaha Hawiye, iyo Odayaasha qabaa’ilka kale ee dego koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya, balse waxaa la dhowrayaa wixii uu ku soo kordhiyo Siyaasadda Soomaaliya!!!

SomaliSwiss    Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: