Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya oo ka qeyb galaya Munaasabdda maalinta Xorriyadda dalka Jabuuti.

Halkaan ka akhri

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda KMG ah   Mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed  oo shalay gelinkii danbe ka ambabaxay magalada Muqdisho ayaa xalay si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti, waxaana soo dhaweyntiisa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan dalka Jabuuti oo uu kamid ahaa R/wasaare Dileete Maxamed Dileete iyo Xubno kale waxaana uu Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed Xalay kulan la qaatay dhiggiisa dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Sheikh Shariif Sheekh Axmed ayaa ujeedada Socdaalkiisa ah inuu ka qayb galo Fantasiyo loogu dabaal degayo maalinta Xoriyadda Jamhuuriyada Jabuuti oo ku began maanta ah 27ka juun oo ilaa xalay iyo maanta ka socda dalkaasi waxaana saqdii dhexe ee xalay Wadooyinka magaalada Caasimadda ah isugu soo baxay dadweyne badan oo   sitay calanka dalka Jabuuti, kuwaasi oo u dabaal degayey Munaasabada Maalinta xuriyada.

Dhanka kalena Munaasbad ballaaran oo ay ka qeyb galayaan madaxda dalkaasi iyo hoggaamiyeyaal kale ayaa maanta lagu wadaa in ay ka dhacdo caasimadda Jabuuti, waxaana ka qeyb galay madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah mudane Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigiisa.

Sida la wada ogsoon yahay Jamhuuriyadda jabuuti ayaa xorriyaddeeda ka qaadatay dalka faransiiska 1977 june 27, waxayna maanta u dabaal dageysaa 34guuradii ka soo wareegtay maalintaasi.

SomaliSwiss    Jabuuti

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: