Dowladda Mareykanka oo sheegtay in Uganda iyo Burundi ka teegeerayso howlgallada ay ka wadaan Soomaaliya iyo la dagaalanka Argagixisada.

Halkaan ka akhri

War ka  soo baxay Xarunta Gaashaandhigga Wadanka Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa lagu sheegay inay ku taageerayso dowladaha Uganda iyo Brundi qalab militeri oo ku kacaya $45 milyan, kuwaas oo ay ku  jiraan afar diyaaradood yar yar oo loo yaqaano Drones ah, si ay qeyb uga qaataan la dagaallanka argagaxisada Soomaaliya, gaar ahaan Xarakada Al-Shabaab.

Warbixin ay heshay Wakaaladda waraka AP ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu dareensan yahay dowrka Al-qaacidda ay ku leedahay Soomaaliya uu yahay mid khatar ah, haddii aan wax laga qaban oo sare loo qaadin duqeymaha lala beegsanayo xarumaha ay Alqaacidda iyo Alshabaab ku leeyihiin Soomaaliya.

Leon Penetta oo ah Taliyaha Pantigon-ka  ayaa ka digay in khatarta ka imaan karta kooxda Al-qaacidda ee Shabaab ku gacan siinaysa dagaallada Soomaaliya ay kor u kacday, waxayna dowlada mareykanku   doonaysaa in la hubiyo Soomaaliya oo ka madax banana Al-qaacidda iyo wixii fikir ku darsada sida   lagu sheegay waxbinta laga helay Pentagon-ka Mareykanka.

Sidoo kale Warbixinta  Pentigonku ayaa waxaa lagu sheegay in ay socdaan  qorshe lagu dhisayo xarumo lagala dagaalamo Al-qaacidda oo laga hirgelinayo waddamada Uganda iyo Burundi oo ah labada dal ee  Soomaaliya ay ciidamadu ka joogaan, waxaa kaloo dowladda Mareykanku ay sheegtay in 4.4$ milyan oo loogu tala galay isgaarsiinta iyo howlaha injineerinka loo dirayo dalka Uganda.

SomaliSwiss Isha Warka AP

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: