“Tacsi Tiiraanyo leh“, Innaa lillaahi wa inaa Ilaahi Raajicuun.

Halkaan ka akhri

Geerida waa xaq – Nafkastana wey  dhadhamineysaaكل نفس ذائقة الموت  

Sidaas darteed Madaxda iyo shaqaalaha bahda Warbaahinta Shabakada SomaliSwiss Radio iyo Website, waxay halkan tacsi tiiraanyo leh ugu dirayaa Ehelladii, Qaraabadii iyo Caruurtii uu ka tegay marxuum Yusuf Ali Nur oo ku geeriyooday Spital Zollikerberg taariikhda markay ahayd 25/06/2011-ka, balse uu deganaa degmada Zumikon oo ka tirsan Kanton Zürich ee dalkan Switzerland, waxaana maalinta Arbacada ah ee ay taariikhdu tahay 29/06/2011-ka lagu Aasi doonaa Qabuuraha ku yaala isla degmada Zumikon.

Hase yeeshee Bahda Warbaahinta Soomaalida Switzerland waxay si gaar ah tacsi ugu dirayaan  Ehellada Maruum Yusuf meel kasta ay Caalamka ka joogaan.

Alle ha u naxariistee Marxuum Yusuf Ali Nur, waxaan Ilaah uga baryeynaa inuu Jannadii firdowsa ka waraabiyo eheladii, Qaraabadii iyo Caruurtii uu ka tageyna Samir iyo Iimaan ka siiyo. 

Sidoo kale dhammaanteen samir iyo iimaan Alle ha inaga wada siiyo, gadaashiisana Alle inama fidneeyo, Aamiin ……Aamiin….. Aamiin.


SomaliSwiss       Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: