Sarkaalka ugu sarreeyo ciidamada Uganda oo sheegay in ay dileen dagaal yahano u dhashay wadamada Pakistan iyo Yemen.

Halkaan ka akhri

Taliyaha ciidamada Uganda ee Soomaaliya ka hawlgala qeybtana ka ah ciidamada Midawga Africa ee AMISOM Col Patric Lokech oo u waraysi dhinacyo badan siiyay wargeyska Sunday Mirror ayaa sheegay xilli uu ka jawaabay su’aal la xariirta waxa uu yahay hawsha ay Soomaaliya ku joogaan  iyo waxa iska badalay hawlgalkooda nabad illaalinta ah maadaama ay ku lug leeyihiin dagaalada Muqdisho ka socda ayaa sheegay inaysan jirin wax nabad ah oo la illaaliyo maadama ay dawladu dagaal kula jirto mucaaradkeeda hubeysan ee Al-Shabaab.

Sidoo kale Taliyuhu waxaa uu xusay in markii hore ay Soomaaliya u yimaadeen nabad illaalin hase ahaatee ay ogaadeen in xilligaan aysan wax nabad ah oo la illaaliyo isla markaana ay qasab tahay in marka hore nabada la dhaliyo taasi ayuuna sheegay inay sababta ay dagaalada kula jiraan waxaana uu hosta ka xariiqay in la badalay hawlgalkoodii nabad illaalinta ahaa oo loo badalay mid nabad dhalin ah sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale taliyhu wuxuu sheegay inay mudan tahay in waajibaadka ciidamada AMISOM uu yahay illaalinta amaanka hay’addaha dawlada iyo mas’uuliyiinta dawlada waxaana uu sheegay inay haddaba wadaan waajibaadkoodii ahaa taageerida dawlada Soomaaliya oo waajib ku ah sida uu yiri.

Taliyaha ciidamada Uganda ee Soomaaliya Col Patric Lokech oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Waxaan halkaan u joognaa waa dhisida, taageerida iyo hubinta amaankooda markii hore waajibkeenu waxaa uu ahaa mid ah in nabada la illaaliyo laakiin mar dambe waxaan xaqiiqsanay inaysan jirin wax nabad ah oo la illaaliyo wajibkeenana waxaa loo badalay markaa in nabadda la dhaliyo”.

Hase yeeshee Col Lokech oo mar wax laga weydiiyay tirada ciidamada Uganda uga geeriyootay dagaalada Soomaaliya waxaa uu xusay in inkastoo ay ciidamo iyo saraakiil ku wayeen dagaalada Muqdisho haddana waxaa uu dhanka kale sheegtay inay dileen dagaalyahano aan Soomaali aheyn oo uu sheegay inay u dhasheen wadamada Pakistan iyo Yemen oo uu sheegay inay ku dileen degmooyinka bari ee Muqdisho iyo wadada Wadnaha oo uu sheegay inay dhawaan la wareegeen.

Waxaa kaloo la weydiiyay su’aal ah waxa ay yeelayaan haddii Al-Shabab Muqdisho ka baxaan oo ay aadaan meelo ay ka mid tahay Kismaayo ayaa wuxuu yiri: “Haddii ay Kismayo aadaan ciidamada dawlada ayaa daba gali doona oo baacsan doona annaguna waan caawin doonaa”.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: