Madaxweyne Shariif oo xalay shahaado iyo Billad Sharaf gudoonsiiyey ra’isal wasaarihii hore ee Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowladda  KMG Soomaaliya Sheikh Shariif sh. Axmed ayaa xalay guddoonsiiyay billad iyo Shahaada sharaf Ra’iisul-wasaarihii is-casilay ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), shahaadadaas oo ka turjumaysay wax-qabadkiisii muddadii yarayd ee uu xilka hayay.

Billadda iyo Shahaada sharafka  ayaa lagu guddoonsiiyay xafladdii lagu maamuusayay 51-guuradii kasoo wareegtay markii ay xoroobeen gobollada waqooyi ee Soomaaliya, waxaana la sheegay in muddadii uu xilka hayay uu ku guuleystay wax ka qabashada musuq-maamusqa iyo dib u dhiska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo qaybaha kale Ciidamada.

Madaxweyne Shariif sh. Axmed oo ka hadlayey bixinta Billad sharaftaas wuxuu yiri:  “Waxaan jeclaysannay inaan billad sharaf guddoonsiinno ra’iisul-wasaarihii hore ee Soomaaliya, maadaama muddadii yarayd ee uu nala joogay uu shaqo wanaagsan qabtay, waxaana ugu talogalnay inuu naga tago isagoo faraxsan,”

Si weyn ayey u soo dhaweeyeen Xubnihii ka qaybgalayay xafladda aqoonsiga la guddoonsiyey Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, waxayna ka soo qaybgalayaashu ay aad ugu riyaaqay billadda la guddoonsiiyay Farmaajo, waxaana markii lagu dhawaaqay in la siinayo billad hoolka oo dhan is-qabsaday sacab iyo sawaxan muujiyay in lagu soo dhaweynayo billadda la siinayo.

Sida la wada ogsoon yahay Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa xafiiska ka tagay 19-kii bishan, kaddib markii uu cadaadis badan kaga yimid dalka Uganda oo ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya iyo Qarammada Midoobay, isagoo sheegay inuu u tanaasulay inay sii shaqeyso DKMG ah iyo inay shacabka Soomaaliyeed ka baxaan dhibaatada.

Hase yeeshee Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo uusan ka hadlin xafladda lagu guddoonsiiyay billadda ayaan haddana waxaan la ogeyn halka uu aadayo, balse wuxuu horay u sheegay inuu la shaqeynayo dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

SAWIRADA HOOS KA MUUQDA RIIX SI AAD U ARAGTO ISAGOO WAYN

  • 26-ka juun14
  • 26-ka juun8
  • 26-ka juun4
  • 26-ka juun3
%d bloggers like this: