Advertisements

Maxkamad ku taalo magaalada Nairobi oo ogolaatay in dalka Kenya lagu Maxkamadeyn karo Burcad badeeda Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

War ka soo baxay Maxkamad ku taalo Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya  inay ansixisay in dalka Kenya lagumaxkamadeyn karo 24-qof oo lagu soo eedeeyay falal burcad badeednimo ah, kuwaasi oo dowladda Kenya ay ku wareejisay dowladda Denmark.

Sidoo kale Maxkamaddaani ayaa waxay sheegtay in dadkan doodooda ku aadan in lagu Maxkamadayn karo Kenya iyo in kale ay soo socotay mudo labo maalin ah, waxaana Maxkamaddu ay shaaca ka qaaday in ugu dambeyn la’isku afgartay in dowladda Kenya ay burcad badeedaaasi ku Maxkamadeyso dalkeeda.

Dhinaca kale Qareenka u doodayay burcad badeeda  Mr. Ouko ayaa sheegay in 24-qof oo lagu eedeynayo burcad badeednimo aysan xaq u laheyn dowladda Kenya inay dalkeeda ku Maxkamadayso, wuxuuna sheegay in dadkani falalkasi aysan ka gaysan badda Kenya.

Hase yeeshee qaar ka mid ah Saraakiisha Caafimaadka ee gacanta ku haysa burcad badeeda ayaa waxay sheegeen in 4-ka mid ah ragaasi ay ku taalo rasaas taasi oo ay tilmaameen Saraakiishu in loo baahan yahay in lagu baxnaniyo Saldhigyada ciidamda  booliska ee dalka Kenya.

 Sida la sheegay Dowladda Denmark ayaa gacanta u galisay dadkan lagu soo eedeeyey inay ka mid yihiin kooxaha burcad badeeda ah si dowladda Kenya ay ugu Maxkamadayso dalkeeda maadaama ay daris yihiin Soomaaliya, waxaana xusid mudan in Xabsiyada dalka Kenya ay ku jiraan tiro burcad badeeda Soomaali ah

SomaliSwiss        Nairobi.

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: