Gudoomiyaha Ururka Haweenka Soomaliyeed oo booqasho gaaban ku soo gaartay magaalada Toronto ee dalka Canada.

Halkaan ka akhri

Waxaa beryahan booqasho wacyigilin ah ku maraysay dalka Kanada Gudoomiyaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed Drs. Caasho Cumar “Geesdiir”, waxayna haatan ay ku sugan tahay Magaalada Toronto.

Drs Caasho oo kulamo la yeelatay Soomaalida ku dhaqan magaaladaas waxay si faahfaahsan uga hadashay xaaladda guud ee dalka uu maraayo, iyo sida loogu baahan yahay in qurba jooga Soomaliyeed ay kaalin wax ku ool ah ka qaadan dib u dhisidda Soomaaliya.

 Xafladaas kulankaas oo ay ka qayb galeen dhamaan qurba jooga degan magaaladda Toronto, waxaa si gaar ah uga dhex muuqday soo dhowaynta Drs Caasho asxaabteeda Jaamacadda Hindiya , Fanaaniita Qaranka iyo dadweyne fara badan.

Sidoo kale Drs Caasho waxaay ka codsatay qurba jooga inay xoogooda iyo maalkooda isugu geeyaan siday wax ugu tari lahaayeen walaalahooda Soomaaliyeed ee wadanka jooga , gaar ahaan haweenka Soomaliyeed oo dhibta ugu wayn ay soo gaartay mudadii 20 ka sanno ee la soo dhaafay.

Waxay kaloo Drs Caasho booqasho gaaban ku tagtay Wadanka Maraykanka oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

SomaliSwiss        Toronto

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: