Advertisements

Golaha ammaanka ee QM oo uga baaqay Soomaalida inay la yimaadaan xal degdeg ah oo dhibaatada loogu saari karo Shacabka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

kulan guud oo ay golaha amaanka ee Qaramada  Midoobay ku yeesheen magaalada New york ayaa waxaa ka soo baxay bayaan sheegaya in loo baahan yahay in Soomaaliya loo sameeyo istaraajiyad nabadeed oo la fahmi karo, taasoo wax looga qabanayo dhibaatada mudada dheer ee uu shacabkaSoomaaliya uu ku jiro.

Sidoo kale Fadhiga ayaa waxaa lagu soo qaaday dhawr arrimood oo la xariira siyaasadda iyo amaanka Soomaaliya waxaana goluhu sheeegay inay muhiim tahay in xoogga la saaro wax ka qabashada amaan xumida iyadoona loo jeediyay madaxda dawlada KMG ee Soomaaliya inay la yimaadaan istiraatijiyad la fahmi karo oo dhanka nabada loo qaado si xasiloonida iyo amaanka dalka dib logu soo celiyo.

Dhanka kale bayaan laga soo saaray fadhiga golaha amaanka ayaa waxaa lagu xusay in Qaramada M idoobay ay taageersan tahay hishiiskii Jabuuti isla haatan ay soo dhaweynayaan isbadaladii siyaasadeed ee dalka ka dhacay dalka Soomaaliya.

Hase yeeshee Qramada Midoobay waxay ugu baaqday R/wasaaraha cusub ee xukumadda KMGS C/wali Max’ed Cali inuu sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhiso xukuumad tayo leh oo la timaada hab nabadeed oo xaaladana wax ka qabata.

Si kasta ha ahaatee Golaha amaanka ee QM waxay sheegeen in dhinacyada Soomaalida ay muujiyaan midnimo iyo iskaashi iyadoona lagu baaqay in loo baahan yahay in la sameeyo dastuur dalku yeesho si meesha mad madawga looga saaro.

SomaliSwiss        New York

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: