Advertisements

Dr. Farmaajo iyo qaar ka mid ah Golihiisii Wasiirrada oo ay casuumeen Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Yurub ku dhaqan.

Halkaan ka akhri

Ra’isal Wasaarihii Soomaaliya ee Dhowaan is casilay Maxamad Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin  wasiirradii  la shaqaynayay ayay siyabo kala duwan u casuumeen inta badan  jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Qurbaha, gaar ahaan kuwa Yurub, si uu ugala qayb galo munaasabado lagu waynaynayo 1-da Luulyo Maalinta Calanka Soomaaliyeed.

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Yurub, sida Norway, Sweden, Holland iyo UK ayaa dhammaantood rajaynaya inuu kala soo qayb geli doono xafaladaha 1-da bisha Luulyo oo ku beegan Jimcaha soo socda, waxayna warar ku dhow dhow Dr. Farmaajo sheegen inuu dhowaan gaari doono dalka Ingiriiska, ka dibna uga sii gudbi doono meelo kale oo Yurub ah.

Sida ay ku warrameen, ilo xog ogaal ah,  wafdiga Ra’isal Wasaaraha la socda ayay ka mid yihiin; Wasiirradii Maaliyadda iyo Warfaafinta Mr Xalane,  C/Kariin iyo laba kale iyadoo sidoo kale ay la socdaan qaar ka mid ah lataliye-yaashiisi iyo gacan yare yaashii xafiiskiisa.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: