Mooshin ka dhan ah Shariif Sakiin oo ay diyaariyen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee ku sugan Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Inta badan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee ku sugaan Muqdisho oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 300 ayay 200 xildhibaan oo iyaga ka mid ah waxay diyaariyeen mooshin ka dhan aah Shariif Sakiin, kaas oo la doonayo in lagu casilo, isla marka ugu soo horeysa ee baarlamaanku furmo, maalmaha ugu horeeya todobaadka soo socda.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Ilkadahab oo ah gudoomiyaha kooxda badbaado Qaran ee barlamaanka KMG Soomaaliya oo galabta saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in ay ilaa iyo hadda is diiwaan geliyeen oo ay saxiixeen warqadda mooshinka  157 mudane oo ka tirsan golaha barlamaanka KMG ah, welina uu si xowli ah u socdo isdiiwaaan gelinta iyo saxiixa xildhibaannada oo  ay iska soo daba dhacayaan saxiixayaasha mooshinkaas ee gudoonka barlamaanka ayna horgeyn doonaan fadhiga golaha toddobaadka soo socda.

“Anagoo ah 157 mudane oo ka tirsan golaha barlamaanka ayaa saxiixnay mooshin ka hor imaanaya gudoonka iyo heshiiska Kampala waxaana geyn doonaa golaha ugu dambeyn Isniinta” ayuu yiri xildhibaankaasi.

Ilkadahab ayaa sheegay in haddii uu Shariif Xasan furi waayo golaha barlamaanka ugu dambeyn Axadda in markaasi ay xildhibaanadu ku ballameen inay kulanka barlamaanka furtaan ayna sameystaan shir gudoon KMG ah.

Mar wax laga weydiiyay sida uu u arko ra’isal wasaaraha cusub, ayuu xildhibaan Ilkadahab sheegay in ka mudane ahaan uu soo dhoweynayo in Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas loo magacaabo xilkaasi.  “Anaga gaar ahaan xildhibaanada reer Puntland waan soo dhoweyneynaa magacaabista Prof C/wali. Waa nin wadani ah oo macalin ahaa. Waa ninka kaliya ee xukuumadii Farmaajo la xisaabtami jirey kuwa UN-ka ee hawada Soomaaliya ka qawleysta” ayuu yiri xildhibaanka oo intaa ku daray in isagu uu si weyn u yaqaano C/wali.

Isagoo ka jawaabayey su’aal ku sabsanayd go’aanka barlamaanka uu ka qaadan doono heshiiska Kampala, wuxuu xildhibaan Maxamed Xuseen Ilkadahab sheegay in heshiiskaasi aan sinabada loo aqbali Karin ayna diidi doonaan marka loo keeno barlamaanka.

“Heshiiskasi hal qodob waaba fulay oo h iscasilaadii ra’isal wasaaraha, sideeda kale ma yeeli doono waayo cidna ma ogolaan karto in dalka la geliyo xukun daakhili ah oo gumeysi ku hoos jira” ayuu ku jawaabay xildhibanku.

Ugu dambeyn wuxuu Ilkadahab ugu baaqay shacabka inay yimaadaan xarunta golaha barlamaanka maalinta heshiiska Kampala la keeno barlamaanka haddii markaasi uu barlamaanka ku guuleysan waayo inuu awoodiisa ku diido wuxuu ugu baaqay dadweynaha Soomaaliyeed inay barlamaanka la wareegaan oo ay talada iyaga qabsadaan.

SomaliSwiss Muqdisho

Magacee  ku haboon in loogu yeero Sheikh Shariif. Hoos ka codeey.

Other related Media

HALKAN KA DAAWO BANAAN BIXII MUQDISHO

HALKAN KA DAAWO BANAAN BIXII KENYA

HALKAN KA DAAWO BANAAN BIXII MAREYKANKA

HALKAN KA DAAWO SOO DHAWAYTII RA‘ISAL WASAARE FARMAAJO

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: