Mahiiga oo sheegay in Qaramada Midoobay ay soo dhaweynayso magacaabista R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta War saxaafadeed laga soo saaray xafiiska siyaasadda Q,M ee arrimaha Soomaaliya ee UNPOS ayaa waxaa lagu sheegay in Q,M ay soo dhaweynayso magacaabista R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya Dr. C/Weli Maxamed Cali Gaas.

Warkaan ayaa waxaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay  ay soo dhaweynayso R/wasaaraha cu sub ee Soomaaliya C/wali Max’ed Cali oo shalay uu ku dhawaaqay M/weynaha dawlada KMG ee Soomaaliya Sh, Shariif Sh, Axmed waxaana warka lagu xusay in R/wasaare C/wali uu yahay shaqsi awood u leh wax ka qbashada arrimaha murugsan ee Soomaaliya ka jira.

Sidoo kale Qaramada Midoobay waxay warkeeda ku sheegtay in R/wasaaraha cusub loga fadhiyo inuu sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhiso xukuumad tayo leh oo ay ku jiraan xubno firfircoon oo wax qaban kara si ay meesha ugu baxdo aman xumida dalka ka jirta.

Dhanka kale xafiiska siyaasadda Q,M waxaa kale oo uu balan qaaday inuu la shaqeyn doono xukuumadda uu soo dhisi doono R/was are C/wali waxaana baarlamaanka loogu baaqay inay qadariyaan oo ay ansixiyaan xukuumadda Soomaaliya.

Hase yeeshee dowladda Uganda iyo Ethiopia ayaa iyaguna  ku tilmaantay tilaabo horey loo qaaday  magacabista R/wasaraha cusub wadamada, waxayna soo dhaweeyeen tallaabada horumarka leh ee loo qaaday dhinaca Nabadda ee dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss           Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: