Magaalada Bern oo lagu qabtay kulan loogu doodayey kaalinta qurba-joogta ay kaga jiraan horumarinta wadamadooda.

DAAWO SAWIRRADA KALE

Halkaan ka akhri

Waxaa Taladadii la soo  dhaafay magaalada Bern lagu qabtay kulan loogu doodayey kaalinta  qurbo-jooga kaga jiraan horumarinta wadamadooda, hase ahaatee doodaas waxay  dhexmartay aqoonyahanno ka soo kala jeeda Qaaradda Afrika, Asia. Mareykanka  iyo Laatin Amerika, waxayna  ka kalayimaadeen wadamada Britain, Beljium, Sweden, holand iyo Switzerland.

Waxaa Kulankan soo qabanqaabiyey Hay’adda DEZA ee wadanka Swisska uga qaabilsan Kaalmooyinka iyo  Harumarinata Xiriirka Caalamiga ee hoos tagto Waaxda Federaalka uga qaabilsan arrimaha dibadda, hase yeeshee hay’addan ayaa inta badan u olloleeya horumarka  iyo dimuqraadiyada waxayna haatan billawday isku keenida  Ururrada Ajaanibka ee qurba-jooga ah, si ay isu dhaafsadaan fikradaha lagu horumarin karo wadamada ay ka soo jeedeen.

Sida qoorshuhu Waxaa uga horreyntii  kulankaas kalmad gaaban ka jeedisay  Marwo Larenra Rossi oo madax ka ah Hay’adda DEZA, waxayna hadalkii u gudbisay Ururradii ka soo qayb galay si ay u soo jeediyaan warbixinida la xiriira  xaaladda nololeed ee qurba-joognimada iyo waxa ay kala kulmeen wadamada ay ku nool yihiin iyo xiriirka ay la leeyihiin wadamada ay ka soo jireen.

Inkasta oo ujeedada guud ee kulankani ahayd in laga wada xaajooda, haddana kama ay marnayn talo iyo tusaale ay bixiyeen martidii madashaas ka soo qayb gashay, sidoo kale aqoonyahannadii kulankaas goobjoog ka ahaa oo si toos ah u abbaareen habka qurba-joogtada ay u  horumarin karaan wadamadooda iyo shacabkoodaba.

Waxaa kaloo kulankan loogu dooday sida qurba-jooga ay ugu dirsadaan Xawaaladaha iyo kaalinta horumarineed ee lacagahaas ay u leeyihiin dadka loo diro iyo qaabka ay u gaarta wadamada aan maamulkoodu wanaagsaneen sida dalka Soomaaliya, waxaana arrintaas si gaar ah uga hadlay Xoghayaha  Shirkadda Somali  Migrant Remittances GmbH Mudane  Abdulkadir Sheikh Mohamed oo si faahfaahsan uga warbixiyey habka Xawaaladaha Soomaalidu u shaqeeyaan, maadaama wadanka Soomaali ay ka jirin Nidaamka Bankiyada u shaqeeyaan.

Si kasta ha ahaatee ujeedada ugu wayni waxay ahayd  doodii dhexmartay qurba-joogta ku nool wadamo kala duwan ee caalamka, balse kulan ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee lagu qabta dalkan Switzerland, waxaana  si aad ah uga dhex muuqday ururo in mudda ah ku dhex jiray sidii dadka muhaajiriin ah ay uga wacyi gelin lahaayeen xaaladaha nololeed ee ay kala kulmeen wadamada ay u soo haajireen.

Ugu danbayntii waxaa la isku waafaqay  sidii dhibaatooyinka jira ay wax looga qaban lahaa, waxayna  qurbo-jooga ay  tibaaxeen sida ay hiil iyo hooba ula garab taagan yihiin maamulada ka jira wadamada ay ka kala yimaadeen iyo sidii maalgelin uga sameen lahaayeen wadamadooda si loogaa gaaro Isku fillaansho.

 SomaliSwiss     Bern

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: