Kulankii loogu hadlayey ammaanka Soomaliya oo lagu taageeray Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Kulan looga hadlayay ammaanka Soomaliya oo ay ka qeyb galeen dalalka ciidammadu  jooga dalka Soomaliya iyo wasiirada Gaashaandhigga ee wadamada  Soomaaliya. Uganda iyo Burundi ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.

Sida lagu soo warrama waxaa Kulankan shir guddoominayey sii-hayaha wasiirka Gaashandhigga Mudane C/xakiin Maxamud Xaaji Fiqi iyo ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Dr. Agostine Mahiga, waxaa kaloo ka  soo qeyb galay masuuliyiin ka socota gobolka oo ay ka mid yihiin Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo wasiirro ka tirsanaa xukuumaddii is-casishay ee dalka Soomaaliya, Taliyeyaasha Ciidamaa Xooga dalka iyo Booliska dalka Soomaaliya iyo wakiilo ka kala socda dalalka caalamka.

Warkan oo Radio Muqdisho  ka soo xigatay Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisoow” oo Shirka ka qeyb galay ayaa Saxaafadda u sheegay in kulankaani u daba socday shir bishii Janaayo lagu qabtay Jabuuti kaas oo looga hadlay sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dhinaca Ammaanka, ulajeedka kulankaan ayuu ku sheegay in ay tahay in caalamka laga dhaadhiciyo in ay taageraan ciidamada qalabka sida ee dalka, sida tababarkooda, qalabka ay ku shaqeynayaan iyo waliba mushaarkooda oo ay u helaan si joogto ah.

Mudane C/xakiin Maxamud Xaaji Fiqi oo ah Sii haya wasaaradda Gaashaandhigga oo khudbad dheer ka jeediyay kulanka, taas ayaa sheegay in ciidamada dowladdu guulaha ay ka gaareen dadaalkii ay la galeen Xarakada Al-Shabaab ee ka soconaya dalka bilihii tegay, hase ahaatee waxaa la isku raacay in taageero la siiyo ciidamada, ayadoo shirkaan kan xiga  lagu balamay in uu ka dhaco magaalada Muqdisho, maadaama shirarkii ka horreeyay ay ka kala dhaceen Jabuuti, Kenya iyo Kampala.

Sidoo kale Madaxdii ka qeyb gashay kulanka ayaa soo dhaweeyay horumarka ay AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya ay ka sameeyeen dalka, waxayna muujiyeen in taageero deg deg ah  ay u baahan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya ayadoo sidoo kale la ballaarinayo taageerada la siinayo ciidamada AMISOM ee howl galka ammaan ee Midowga Afrika ka wada waddanka.

Ugu danbeyntii  waxaa shirka laga soo saaray war-murtiyeed lagu sheegay inay muhiim tahay In dowladda KMG ah laga gacab siiyo dhaqan celinta dhallinyarada ka soo baxsata maleeshiyada Shabaab,si loogu helo tababaro iyo waxbarasho, sidoo kale waxaa kulanka lagu dhaqan geliyay warbixin ay soo diyaariyeen khubaro ciidan oo ay ku jiraan Saraakiishii hore e CXDS, taas oo ku saabsaneyn baahida ay qabaan ciidanka Soomaaliyeed, ayadoo dalalkii iyo masuuliyiintii shirka ka qeyb  gashay ay isku raceen in la dhaqan geliyo.

SomaliSwiss           Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: